Baarlamaanka oo maanta ka shiraya soo gaba gabeynta howlaha horyaalo

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2016:

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay kulan ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaan uu yahay mid looga shiraayo soo afjarida howlaha hor yaallo Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah Habdhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in Ajandaha Shirka uu kala yahay hadal jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku aadan shuruucda wargelinta mudan ee Baarlamaanka horyaalo.

Baarlamaanka ayaa intaasi kadib waxa ay ka hadli doonaan soo afjarida howlaha horyaalo Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka dalka.

Maxamed Cumar Maxamuud, waxa uu sheegay Shuruuc kala duwan inay horyaalaan Baarlamaanka oo qaarkood Akhrin maray, kadibna ay u harsan tahay in la dhameystiro oo Baarlamaanka uu sharciyeeyo.

“Maanta oo Arbaco ah, waxaa jira kulanka Baarlamaanka wuxuu ku saabsan yahay hadal jeedin uu Guddoomiyaha Baarlamaanka u jeedin doono Golaha shacabka uuna ku wargelin doono Shuruucda hartay iyo soo afjarida howlaha hor yaalo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka dalka.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Baarlamaanka hada jira ayaa waxaa u dhiman waqti kooban oo shaqada ah, iyadoo ay jiraan sharciyo kala duwan oo Baarlamaanka hor yaallo una baahan meel marin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: