War deg deg ah: Daawo Video hordhac then akhriso: Qaraxyo is miidaamin qasaare geystay oo lala eegtay Hotel ku yaala Muqdisho

WAAJIDPRESS – 1 JUN 2016:

 

Mid ka mid ah Hoteelada ugu caansan magaalada Muqdisho ayaa goor dhow lala eegtay qaraxyo is miidaamin, kuwaasi oo gilgilay inta badan xaafadaha ku dhow.

Weerar xoogan, ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday Ambassador Hotel oo ku yaala xaafadda Taleex ee Degmada Hodan Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Xoogagan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu weerarkoodan uu ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana xigtay xoogag gudaha u galay Hotelkaasi.

Afar nin oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab oo soo qaaday weerarkaasi, ayuu mid ka mid ah isku qarxiyay afaafka hore ee Hotelka. Ninkan is qarxiyay ayaa la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay saddex nin oo ku labisan dareyska Ciidamada Dowladda Somaliya, oo gudaha u galay Hotelkan, Raggan, ayaa waxay toogasho ka gaysteen gudaha Hotelka.

Maxamed C/laahi Muumin oo ka mid ah dadka degan xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, ayaa sheegay qaraxa uu weerarku ku bilowday in si wayn looga maqlay xaafadaasi iyo goobaha kale ee ka baxsan.

Maxamed C/laahi, ayaa sidoo kale sheegay in rasaasta iminka laga maqlayo aagga Hotelka la weeraray, ay baqdin gelisay dadka deegaanka.

Ambassador Hotel, ayaa waxaa degan masuuliyiin Dowladda Somaliya ka tirsan sida, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin. Sidoo kale waxaa degan qurbojoog iyo ajaaniiba.

Iska horimaad xoogan, ayaa iminka ka socda gudaha Hotelka Ambassador, iyadoo Ciidamada Dowladdu ay ku dadaalayan, sidii ay u soo gaba gabeen lahaayen dhawr nin oo weerarkaasi soo qaaday.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya tirada rasmiga ihi ee weerarka soo qaaday, iyadoo wararka qaar ay sheegayan in illaa afar nin ay weerarka soo qaaday, halka warar kalana ay tirada raggaasi gaarsiinayan shan nin.

Goobjooge, ayaa waxaa uu sheegay in weerarka ay soo qaadeen afar nin marka lagu daro ninkii 1-aad ee isku qarxiyay afaafka hore ee albaabka laga galo Ambassador Hotel, halka saddex kalana ay gudaha u gashay Hotelka.

Dhaawacyo badan ayaa jira, Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa shaaciyay in weerarkaan ay u ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo uu mid yahay gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashil Cilmi nuur.

Sidoo kale,  warar kale ayaa sheegaya inay jiraan xildhibaano badan oo dhaawac uu soo gaaray –  LA SOCO WIXII KHASASRO AH

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: