Warar dheeraad ah: Xildhibaano hadda la soo sheegey in ay ku dhinteen weerarka ay alshabaab caawa ku soo qaadey Hotel Ambasador ee Muqdisho

WAAJIDPRESS – 1 JUN 2016:

13307194_1731861843760905_8900076714053375602_n 13307238_1731861750427581_7548414253506062509_n 13327533_1731862010427555_4969499414180858201_n

Mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray weerarkii galabta lagu qaaday hotelka Ambasador ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo madax kale ayaa kaa mid ah dadka dhimashada iyo dhaawacyadu soo gaareen.

Xildhibaanada geeriyooday ee ka tirsan Baarlamanka Somalia aya waxaa ka mid ah xildhibaan magaciisa lagu sheegay Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabo-weyne (OO ka soo jeeda beesha HABARGIDIR-Sacad) oo ka mid ahaa dadka dhintay weerarkan isagoo ka mid aha dadka degenaa hotelka.

Waxaa sidoo kale weerarkan lagu dilay xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamanka Somalia oo la yiraah Xildhibaan Maxamuud Muxumad Guurre (oo ka soo jeeda Gugundhambe – Hawiye).

Xildhibaan Guure, waxa ay hal Qol wada joogeen Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac iyadoo Labada Xildhibaan ay ku dhinteen hal Goob.

Khasaaraha ayaa sii kordhaya, waxaana weerarka hotelka uu noqday kii ugu badnaa oo xildhibaano ka tirsan baarlamanaka lagu dilo kadib weerarkii Hotelka Muna xiligii dowladii hore ee Kumeelgaarka ahayd.

Dadka dhintay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Cabdixamiid Sheekh Cabdulqaadir oo la dhashay xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Cabdixamiid oo ku sugnaa banaanka hoteelka ayaa waxaa ku dhacay rasaastii laga ridayey gudaha hotelka.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhowr xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay xildhibaan Cabdi Xaashi.

Dhinaca kale Isbitaalka Madiina ayaa lagaarsiiyay Maydadka inka badan Toban Qof halka uu dhaawucuna ka badanyahay 50 kale.

Qasaaraha ayaa badankiisu ka dhashay Qaraxii koowaad oo dhacay xilli ay Gawaari badan maraysay wadada,goobaha ganacsiguna ay ahaayeen kuwo aad u Mashquul ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu ku dhaawacmay weerarkan gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, iyadoo aan la ogeyn in dhaawaciisu fudud yahay iyo in kale.

Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa iney jiraan masuuliyiin kale oo waxyeelo ay ka soo gaartay weerarkan inkastoo aan weli rasmi ah loo xaqiijin, weli dagaalka wuu socdaa.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah Xoghaynada Baarlamaanka Somaliya, ayaa isaguna ku dhaawacmay Hotelkan, ka dib markii la sheegay in uu ka soo booday Dhismaha Hotelkaasi.

Waxaa soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya in uu jiro Xildhibaan saddexaad oo lagu dilay weerarka Hotelka Ambassador, oo magaciisa lagu sheegay Xildhibaan Maxamed Faarax Diiriye.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: