War Murtiyeed LAGA soo saarey MAANTA SHIRKII madasha WADATASHIGA- iyo aqalka Sare OO la laaley shirka soo socdana lagu qaban doono BAYDHABA


WAAJIDPRESS – 3 JUN 2016:

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 29-ka May ilaa 02- da June 2016. Kulanka oo uu shir-gudoomiyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka soo qayb-galay; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenga Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; ; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed. – :

1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay tacsi

2. Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhaweysay xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo saaray hannaanka geedi-socodka doorashada ee ay horay ugu heshiiyeen 12-kii Abriil 2016. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadkeedii hore ee ahaa inay ka go’an tahay in ayan jiri doonin muddo kordhin lagu sameeyo muddo-xileedka uu dastuurku u xaddiday hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta iyo in doorashooyinka ay dhacayaan xilliga loogu talo galay.

3. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay qaababka faahfaahsan ee hannaanka doorashada, oo ay ka mid yihiin waajibaadka shaqo ee Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHD) iyo Guddiyada Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed (GHDG). Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada (GXKHD) waxa looga hadlayaa fadhiga soo socda ee Madasha Hoggaanka Qaran ee 20-ka Juune ka dhacaya Baydhabo.

4. Madashu waxay mar kale ku celisay inay ka go’antahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo metelaadooda. Sidoo kale Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka haweenka iyo metelaadooda.

5. Madasha Hoggaanka Qaran waxay si guud isugu raacday in la sameeyo khariidad/tub siyaasadeed oo qeexan ee 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.

6. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in si dhakhsa ah loo dhiso Guddiga GFHD iyo Guddiyada GHDG, iyadoo la rabo in xubnaha guddiyadaas la soo magacaabo

u dirayaan shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii xalay ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho.

Madashu waxay cambaaraynaysaa weerada waxashnimo ee ee ay argagxisadu la beegsanayso shacbiga aana wax galabsan.Madashu waxay soo dhawaynaysaa magacaabida uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadu u magacaabay guddi heer qaran oo u ololeeya taabagelinta iyo xaqiijinta in
la gaaro qoondada loo xaddiday haweenka Somaliyeed.

ugu dambayn 6-da bisha Juun 2016, shaqadooduna billaabaanto 10-ka bisha Juun 2016. Guddiga GFHD wuxuu u xilsaarnaan doonaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sanadka 2016. Guddiyada GHDG, waxey u xilsaarraan doonaan, fulinta dhammaan howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed.

7. Marka Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeeysta ah ee liiska 275-ta xildhibaan waxaa kama dambeeynta saxiixaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda isaga oo ku soo saaraya faafinta rasmiga ah.
8. Madashu, waxaa ay isku raacday in xubnaha ergada dooranaya halkii xildhibaan ee aqalka hoose ay noqdaan 51 xubnood, halka markii hore ay aheyd 50 xubnood.
9. Ayadoo laga duulayo hehsiiskii horay loo gaaray ee ahaa in doorashada Xildhibanada qaran ay ka dhacdo Xarumaha dowlad goboleedyada dalka ka jira, ayaa Madasha Hogaamiyayaasha qaranku si guud ugu heshiisay qeybinta xildhibaanada sida ku cad shaxda qaybinta xildhibaannada iyadoo saldhig looga dhigayo labadan qodob:

a. Qaybinta xildhibaanadan waa qaybin ku eg doorashada 2016 kaliya.

b. Qaybintani ma qeexeyso sida deegannada loo kala daganyahay, ee waa heshiis ku meel gaar ah oo ku salaysan 4.5, kuna eg xaaladda doorasho ee 2016-ka oo kaliya.

10. Madasha, waxay si qotodheer u dul istaagtay liiska odayaasha 135-ka, waxayna dood dheer ka dib isla garteen in dhamaystirka liiska kama dambaysta ah lagu go’aansado shirka Madasha ee lagu qaban doono Baydhabo 20-ka bisha Juun 2016.

11. Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay. Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.

12. Madasha Hoggaanka Qaran dood dheer ka dib waxay si wada jir ah isugu raacday

a. Ansaxinta Siyaassadda Amniga Qaranka Soomaaliyeed (National Security Policy)
oo ay xukuumaddu soo gudbisay.

b. Dhisidda Gudiga Aminga Qaranka sida ku cad Siyaasadda Amniga Qaran.

13. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in shirka soo socda ee Madasha lagu qabto maagalada Baydhabo oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 20-22- ka bisha Juun 2016.

14. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka inay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hanaanka doorashada kuna qabsoonto waqtigii loogu talagalay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: