DAAWO: WAR MURTIYEEDKII KA SOO BAXAY SHIRKA MADASHA- IYO WAXAA LA ISKU RAACEY IN XILDHIBAANKA LAGA QAADO$5,000 haddii uu rabo in uu KA mid noqdo Xildhibaanada 2016

WAAJIDPRESS – 4 JUN 2016:

 

Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka magaalada baydhabo xilli uu ka qeyb galayey shirkii madasha oo muqdisho kusoo gababoobey Wasiiro, xildhibaano, siyaasiyiiin, odayaal dhaameed, dhalinyaro, haween, intaba uma kala harin maanta soo dhoweynta madaxweynaha maamulka koonfur galbeed shariif xasan sheekh aadan.
Sharif Xasan sheekh aadan Madaxweynaha maamulka konfur galbeed ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii ka soo baxey shirkii wadatashigii qaran ee Maalimihii la soo dhaafey Magaalada muqdisho ugu socdey madaxda dowlada federaalka soomaliya maamul gobaleedyada dalka ka jir iyo beesha caalamaka
“anaga Maalimihii ugu danbeyey waxaan joogney oo ka qeyb galney aniga iyo wefdiga ila socdeyba shirkii madasha wadatashiga qaran oo magaalada muqdisho ugu socdey madaxda dowlada soomaaliya Maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo beesha caalamka guul weyna waan ku soo hooyiney” ayuu yiri Madaxweynaha koonfur galbeed.

wuxuuna sidoo kale sheegey in wajiga soo socda ee shirka wadatashiga qaran lagu qaban doono magaalada baydhabo isla bishaan gabagabadeeda
Madaxweynaha dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden Waxaa uu sidoo kale uu tacsi u direy Dadki dhibaatada ku soo gaarey weerarkii hotel ampasador ee magaalada muqdisho.
“intii ka dhimatey Weerarkii Hoteelka Ampasador ee magaalada muqdisho allaah ha unaxriistoo intii ka dhaawacanteyna allah ayaan ugu baryayaa in uu siiyo caafimaad deg deg ah siiyo” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka koonfur galbeed shariif xasan sheekh Aadan.

Madaxda Madasha Qaran oo uu shir ugu soo dhamaadey magaalada Muqdisho ayaa isla qaatey sharuud lagu xadidaayo musharaxiinta xilka xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya iyo kan Aqalka Sare ee doorashada Soomaaliya ee bisha August sanadkaan 2016. Madaxda Madasha ayaa sheegay in musharax walba laga doonayo inuu bixiyo lacag gaaraysa 5-kun oo dollar oo ah lacagta diiwaaangelinta.

Shirka Madaxda Madasha Qaran ee 20ka b isha June laga qaban doono magaalada Baydhaba oo ah xarun ku meelgaarka ah maamuka goboleedka Koonfur Galbeed Somalia ayaa loo asteeyey in go’aan kama dambeys ah looga halka lacagta la geyn doono, hase ahaatee uusan muran ka taagneyn cadadka lacagta xildhibaanka cusub sharuud looga dhigay.

Shuruudaha qofka noqonaya xildhibaan Ayaa la isku raacey sidan:
(a)Muwaadin Soomaali, Muslim ah;
(b) Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (30) sano;
(c) Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas;
(d) Dhimirkiisu dhan yahay;
(e) Gelin denbi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

 

DAAWO WAR MURTIYEEDKA EE UU AKHRINAYO AFHAYEENKA MADAXWEYNAHA:

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: