War Hadda soo dhacay: Gabar Suxufiyad ahayd oo galabta lagu dilay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 5 JUN 2016:

Suxufiyadda Sagal Salaad Cismaan, ayaa waxaa goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho, wax yar uun ka dib markii ay ka soo baxday jaamacad ay wax ka baraneysay oo ku taala Caasimadda.

Xoogag hubeysan, ayaa waxay Suxufiyadda ku dileen agagaaraha Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan, gaar ahaan meel ku dhow jaamacaddii ay dhiganeysay.

Dad ku sugnaa goobta Gabadha lagu dilay ayaa sheegay in Kooxo hubeysan ay Wariye Sagal Salaad ku dileen afaafka hore Jaamacada Plasma ee ku taala Xaafada Banaadir.

Xoogagan, ayaa dilka ka dib ka cararay halkaasi.

Sagal Salaad Cismaan oo ka tirsaneyd Radio Muqdisho oo ku hadla afka Dowladda Somaliya, ayaa waxay wax ka xiriirin jirtay Barnaamijyada Madadaalada ee ka baxa Radio Muqdisho.

3-dii bishii December, ayay ahayd markii xaafadda Taleex ee Degmada Hodan lagu dilay Allaha u naxariistee Hindiya Xaaji Maxamed, oo ka tirsaneyd Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: