Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Ansixiyay 3 Hindise Sharciyeed

WAAJIDPRESS – 6 JUN 2016:

Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay Sharciyada Axsaabta siyaasadda, Xananada xoolaha iyo dhismaha Guddiga Madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha.

Sharciga Axsaabta siyaasadda ayaa waxaa ogolaatay 149 madane waxaa diiday hal xildhibaan waxaana ka aamusay sadex mudane, sidoo kale sharciga xanaanada xoolaha ayaa waxaa ogolaatay 150 mudane iyadoo ay ka aamuseen sadex xildhibaan mana jirin cid diiday.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale maanta ansixiyay Sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka kaas oo ay ogolaadeen 145 mudane waxaa diiday sadex halka ay ka aamuseen 5 xildhibaan.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar, iyadoo xubnaha Baarlamaanka sidoo kale maanta akhrinta koowaad marsiiyeen heshiiska dalalka Afrikada Bari ee dhismaha ciidanka ay leeyihiin wadamaas.

Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maanta hor tagay Baarlamaanka oo sharcigan ka hor akhriyay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu Soomaaliya faa’ido weyn ay ugu jirto hadii ay kamid noqoto.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: