Xoogag hubeysan oo dilay askari ka tirsan Ciidanka Hay’adda NISA

WAAJIDPRESS – 7 JUN 2016:

Xoogag hubeysan oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayaa xalay Deegaanka Garasbaaley ku dilay askari ka tirsan Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Garasbaaley oo ku taala wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, ayaa waxaa fariisimo ku leh Ciidanka Nabad Suggida, iyadoona uu dilku ka dhacay meel ku dhow Tabeellaha Sheekh Ibraahim.

Xoogaga dilka gaystay, ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen askarigan oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Shiine, inkastoo daqiiqado ka dib ay gaareen Ciidanka Nabad Suggida.

Nabad Suggida, ayaa dilka waxay u soo qabatay laba nin oo dhalinyaro ah, kuwaa oo studio ku leh Tabeellaha Sheekh Ibraahim, waxaana ku socoto baaris.

Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida, ayaa Dhacdo.com u sheegay in laga shakiyay labadaasi nin, walow sida uu sheegay aan wax hub ihi laga helin Studiyaha.

Hay’adda NISA, ayaa dagaal adag kula jirta Ururka Al Shabaab oo beegsanaya dadka indhaha u ah bulshada Somaliyeed, isla-markaana u adeegaya Qarankan.

Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, General C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa Khamiistii Ciidanka Gaashaan ku ammaanay inay u taagan yihiin badbaadinta dadka Somaliyeed, halka Shabaabkuna uu ku eedeeyay kuwo gumaadaya. Gaashaan waxaa leesku yiraahdaa Ciidamada Nabad Suggida & Alpha Group.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: