Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Turkiga

WAAJIDPRESS – 8 JUN 2016:

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay Magaalada Midyat oo ku taalo meel ku dhaw Xuduuda ay wadaagaan dalalka Syria iyo Turkiga.

Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay Qaraxan gaariga loo adeegsaday in lagu weeraray Xarun Boolis oo ku taala Magaalada Midyat, waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan.

Wakaalada Wararka dalka Turkiga ee Anadolu, ayaa baahisay goobta qaraxa ka dhacay inay tageen gaadiid badan oo nooca gurmadka deg dega ah, si loogu gurmado dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Ilaa hada waxaa la shaaciyay kaliya dad badan inay ku dhaawacmeen qaraxaasi, laakiin ma jirto tiro sax ah oo la soo wariyay.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay qarax ka dhacay Magaalada Istanbul ay ku dhinteen dad gaaraya 11 ruux.

Booliska Turkiga ayaa sheegaya inay wadaan baaritaano ku aadan Khasaaraha ka dhashay Qaraxa, laakiin hada uu socdo gurmad loo fidinaayo dadka waxyeelada ay gaartay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: