War hadda soo dhacay: Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Wardhiigleey oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 9 JUN 2016:

Sida Dadka Degaanka ay u xaqiijyeen Idaacaddaha, Koox hubeysan ayaa maqribnimadii Caawa waxey Degmada Wardhiigleey ku Dileen Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Maamulka Degmadaasi.

Dableydan oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa Nawaaxiga Isgooyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho waxey ku toogteen Maxamed Jimcaale, Guddoomiyihii Waaxda Janaraal-Daa’uud ee Degmada Wardhiigleey.

Dadka Degaanka oo la hadlay Idaacaddaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dableyda Weerarkaasi geysatay ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgallo inkastoo aan wali la shaacin hadii Dad loo soo qab qabtay Dilkaasi.

Xiriiro kala duwan aanu la sameenay Maamulka Degmada Wardhiigleey ayaa inoo suuro gelin in aan qadka ku haleelno si aan wax badan uga weydiino Dilkaasi.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Dilka Maxamed Jimcaale, Guddoomiyihii Waaxda Janaraal-Daa’uud ee Degmada Wardhiigleey.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: