War culus: Xiisad dagaal oo ka bilaabatey Magaalada Kismaayo ka dib markii ciidamada Axmed Madoobe ay isku gadaameen hoyga madaxweyne ku-xigeen……………….

WAAJIDPRESS – 10 JUN 2016:

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Xiisad ay ka taagan tahay Magaaladaasi, taasi oo sida la sheegay dhaxeysa Ciidamada Madaxweynaha Jubaland iyo Ilaalada Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamulkaasi C/laahi Sheekh Cismaaciil Farataag.

Xiisadan ayaa timid sida ilo wareedyo ay u xaqiijiyeen Warbaahinta WAAJIDPRESS kadib markii Ciidamada Madaxweyne Axmed Madoobe ay Xalay isku gedaamiyeen Hooy uu Magaalada Kismaayo ka degan yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore C/laahi Sheekh Cismaaciil Farataag.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Maamulka Jubalanda ay ku amreen Ilaalada Fartaag in ay dhigaan hubka balse ay ka dhaga adeegeen arintaasi.

Dadka Degaanka ayaa soo wajahday baqdin xoogan oo ku aadan in Dagaal Culus uu halkaasi ku dhexmaro Ciidamo kala taabacsan Madaxweynaha Maamulka Jubaland iyo Ku xigeenka Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Jubaland.

Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa wada waan waan lagu qaboojinayo xiisadan u dhaxeya labada dhinac.

Dhawaan ayee aheyd markii Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe xilka looga qaado C/laahi Sheekh Cismaaciil Farataag oo ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: