Warar dheeraad oo ku saabsan Khasaaraha Dagaalkii Halgan ee Hiiraan – Khasaaro dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamay

WAAJIDPRESS – 10 JUN 2016:

Marka laga soo taggo khasaaraha dagaalkan ka soo kala gaaray Ciidanka Itoobiya iyo Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa sidoo kale waxaa uu sababay dhimashada in ka badan lix qof oo rayid ah iyo dhaawaca 25 kale.

Gudoomiyaha Deegaanka Halgan, Guhaad Cabdi Warsame, ayaa xaqiijiyay in dhawr ka mid ah dadka reer Halgan in ay ku dhinteen dagaalka, halka tobonaan kalana ay ku dhaawacmeen, sida uu yiri.

Gelinkii dambe ee Khamiistii shalay, ayaa dhaawacyada in ka badan 20 qof oo rayid ah la gaarsiiyay Isbitaalka Baledweyne. Dadka qaarkood waxaa la sheegay inay xaaladoodu liidato.

Maxamed Cabdi Cismaan (Macalin Khalaafow), Gudoomiyaha Degmada Baledweyne, ayaa xaqiijiyay in Isbitaalka Baledweyne la seexiyay ugu yaraan 20 qof, kuwaa oo lix ka midda uu sheegay in xaaladoodu ay culus tahay.

Gudoomiyaha oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada, ayaa waxyeelada soo gaartay dusha kaga tuuray mid ay ka masuul yihiin Ururka Al Shabaab.

Dowladda Somaliya, ayaa gargaar dawo ah u dirtay Magaalada Baledweyne, si lagula tacaalo xaaladda dadka rayidka ihi, ee waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii Halgan.

Dhanka kale guryo ay leeyihiin dadka deegaanka, ayaa ku burburay dagaalka kulul ee ka dhacay Halgan, inta badanse waxay guryuhu ku burbureen qaraxii ismiidaaminta ahaa, ee lagu jebiyay abaabka hore ee xerada Amisom.

Dhinaca kale,

Ciidankii Itoobiya ee ku dhaawacmay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa dhaawacyadooda laga daabulay halkaasi, iyadoona la gaarsiiyay Magaalada Baledweyne.

Diyaarado helicoptero ah, ayaa dhaawacyadan Khamiistii ka qaaday Deegaanka Halgan, waxayna gaarsiiyeen Xarunta Amisom ku leedahay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baledweyne.

Askartan, ayaa waxaa dagaalkaasi ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan. Qaarkood waxaa la sheegay in rasaasta nool nool lagu dhaawacay, halka qaarka kalana la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxii uu ku bilowday dagaalka.

Meydadka askarta Itoobiya looga dilay Halgan, ayaa waxaa la qorshaynaya in dalkooda loo qaado, si halkaasi aas loogu sameeyo. Waxaa adag in macluumaad sax ah laga helo tirada askarta Itoobiyanka ihi ee dagaalkaasi lagu dilay. Warar madax bannaan waxay xaqiijinayan in Itoobiyanka laga dilay in ka badan 25 askari.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: