War deg deg ah: Ciidamo mushaar aan qaadanin 8 bilood oo ka tirsan PUNTLAND oo maanta XOOG KULA wareegey xaruntii Galkacayo

WAAJIDPRESS – 11 JUN 2016:

Ciidamo Gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay la wareegeen xarunta dowladda Hoose ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Gadoodsan ay gebi ahaan irdaha isugu dhufteen Xafiisyada xaruntaasi dowladda Hoose.
La wareegista Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii muddo 8 bil ah Ciidamadaasi aysan wax Mushaar ah qaadanin.

Ciidamada gadoodsan oo qaarkood u xog warramay Saxaafadda ayaa waxa ay sheegeen in mudada Mushaaraadka ay ka maqan yihiin ballamo been ah loo sameynayay oo aan jirin wax ka soo naasa cadaaday kadibna ay tallaabadaan qaadeen.

Dhinaca kale, Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegayaa in halkaasi ay ka jirto xaaladii ugu xumeyd iyo cabsi xoogan oo soo food saartay dadka rayidka ah.
Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degmada ku dhaqan aroornimadii hore ee saakay waxaa halkaasi isaga baxay ciidamada Dowladda iyo kuwa ka socda Dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM.
Daqiiqado kaddib waxaa degmada la wareegay xoogag ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in degmada Aadan Yabaal ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, waxayna dadka rayidka ah qaarkood si KMG ah uga barakacayaan degaanadooda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: