20 ruux oo lagu dilay Toogashada ka dhacday Gobolka Florida ee dalka MareykankaYou

WAAJIDPRESS – 12 JUN 2016:

Ku dhawaad 20 ruux ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Orlando ee ka tirsan Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Nin hubaysan ayaa galay goob ay ku caweeyaan dadka isku jinsiga ah ee damacu kala galo (ama loo yaqaano Khaniis), kadibna wuxuu rasaas ku furay dadkii halkaasi joogay.

Saraakiisha ciidamada Booliska waxa ay xaqiijiyeen inay dhinteen dad badan, laakiin Warbaahinta caalamiga ayaa tabinaysa dhimashada inay gaarayso ilaa 20 ruux, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa in uu batay, markii uu dagaal dhex maray qofka geystay weerarka iyo Booliska magaalada Orlando ee ka tirsan Gobolka Florida.

Ciidamada Booliska waxa ay xaqiijiyeen inay toogteen ruuxii hubaysnaa ee falkaasi ka dambeeyay, waxa ayna ku tilmaameen arintaan mid argagixiso.

Dadka dhaawacmay oo qaarkood ay liitaan ayaa la dhigay isbitaallada ku yaalla magaalada weerarku ka dhacay ee Orlando.

Waxaa kale oo lagu soo warramayaa in Boolisku qarxiyay waxyaalo qarxa oo laga helay goobtaas, walina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Ehelada dadka ku dhintay goobtaan oo ilmeynaya ayaa la arkaayay, kuwaasi oo Booliska ay isku dayayaan inay qanciyaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: