DEG DEG: Diyaarada ku dhacday Sh/Hoose & Al-Shabaab Oo gacanta…

WAAJIDPRESS – 12 JUN 2016:

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarad aan duuliye laheyn (Drone) ay kusoo dhacday deegaan katirsan gobolka shabeelaha Hoose.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradda ay ku xiranyihiin kaamirooyinka wax duuba waxaana dhammaan qalabkii iyo diyaaradda gacanta ku dhigay Maleeshiyada Al-Shabaab.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen bur-burka Diyaarad nooceeda uu yahay Drone ee aan cidi wadin, taasi oo ku soo dhacday Gobolka Shabellaha hoose.

Al Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen Diyaaradan inay ku soo dhacday Deegaanka Saddex Xarar oo ka tirsan Gobolka Sh.hoose, una jirta 5KM deegaan lagu magacaabo Goobaale.

Diyaaradan ayeey Shabaabka sheegeen inay soo dhacday Xalay xilligii lagu guda jiray Salaada Cishaha, dadka deegaankana ay ku soo wargeliyeen ciidamada Shabaabka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: