War deg deg ah: Xaaska Xildhibaan Baarlamaanka Somaliya ka tirsan oo la dhaawacay

WAAJIDPRESS – 12 JUN 2016:

Afada Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed, ayaa waxaa xalay lagu dhaawacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ka dib markii qarax loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro lagu weeraray hoyga uu Xildhibaanku ka degan yahay Degmadaasi.

Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo xubin ka ah Baarlamaanka Somaliya, ayaa ka badbaaday qaraxaasi, balse waxaa ku dhaawacantay laba qof, oo middi ay tahay xaaskiisii.

Nin ka mid ah dadka deegaanka, ayaa Idaacadaha u sheegay in kuwii qaraxa ku weeraray hoyga Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ay durbaba ka carareen halkaasi.

Goobjoogaha, ayaa sidoo kale sheegay inaanay jirin wax rasaas ihi oo raggaasi ay ku  furayn dhinaca hoyga Xildhibaan Sheekh Shaacir, sidoo kalana ma jirto buu yiri rasaas iska caabin ah oo ay furtay ilaaladiisa.

Mintidiinta Ururka Al Shabaab, ayaa bishan Ramadan u muuqda kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah xasiloonida, isla-markaana ay ka wadaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: