War deg deg ah: Shabaab oo 13 nin oo odayaal ah ka qafaashay Deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabellaha Dhexe

WAAJIDPRESS – 12 JUNE 2016:

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta 13 nin oo Odayaal Dhaqameedyo ah ka qafaasheen Deegaanka Gamboole, oo qiyaastii 50km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxaa la soo sheegayaa in Xoogaga Shabaabku ay Odayaasha Dhaqanka ula dhaqaaqeen Deegaanka Show ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo la soo sheegayo in ay iminka ku hayaan.

Dadka ku dhaqan Gamboole waxay xaqiijiyeen in mintidiinta Shabaabku ay xoog ku kaxeysteen Odayaasha Dhaqanka, xilli aanay garanayn ujeedada ka dambeysa hujuumkoodan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xariga Odayaashu uu ka dambeeyay, ka dib markii ay dadka ku dhiira-geliyeen inaanay bixin xoolo iyo lacago ay weydiiteen Ururka Al Shabab. Shabaabku waxay tani ku sheegeen Zakaawaat.

Dadka reer Gamboole waxay walaac xoog lihi ka muujinayan in Xoogaga Al Shabaab ay dhibaateeyaan Odayaasha Dhaqanka, ee hormuudka u ah deegaankooda.

10-kii bishii March, ayay ahayd markii dagaal uu deegaankaasi ku dhex maray shacabka iyo Shabaabka, xilli ay dadku diideen bixinta waxa ay Shabaabku ugu yeereen Zakaawaat-ka.

Shabaabka hubeysan ee ka dagaalamaya Somaliya waxaa lagu eedeeyaa inay caadeysteen in bil kastaba ay dadka ka uruuriyan xoolo iyo lacago joogto ah, ay ku sheegeen Zakaawaat.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: