Duleedka Degmada Jowhar oo xalay lagu diley 4 Ruux iyo dhawac gaaraya 5 qof oo kale

WAAJIDPRESS – 14 JUN 2016:

Duleedka Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe Wararka ka imaanaya ayaa waxey ku soo waramayaan in Kooxo hubeysan ay Xalay weerar ku qaadeen Degaan lagu magacaabo Gololey-Magacle oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Gobolkaasi.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in Weerarkaasi lagu diley 4 Ruux oo midi Haweeney lagu sheegay sidoo kale 5 kalena lagu dhaawacay.

Mid ka mid ah Dadka Degaanka ayaa sheegay in Weerarka kadib Dableyda ay Degaanka ka geysteen Dhac iyo Boob wuxuunta intaasi ku daray in Dalalka ay salka ku hayaan aanooyin qabiil.

Weli wax war ah kama soo saarin Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Sh.Dhexe, Weerarkan Dableyda hubeysan ay ku qaadeen Degaanka Gololey-Magacle.

Muddooyinkii dambe Degaano iyo Tuulooyin hoostaga Gobolka Sh.Dhexe ayaa waxaa ku soo kordhayay Dilalka salka ku haya anooyinka qabiil.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: