War deg deg ah: Madaafiic hadda lagu Qaraacey Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 14 JUN 2016:

Tiro madaafiic ah oo caawa loo ganay dhinaca Aqalka Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia), ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku soo dhaceen Degmooyinka ku hareereysan Madaxtooyada.

Madaafiicdan oo aan la garanayn goobta laga soo tuuray, ayaa waxay qal-qalgeliyeen bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, iyadoona lagu soo beegay, xilli Salaadda Taraawiixda laga tukanaayo Caasimadda.

Madaafiicdan ayaa daryankooda laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimada, waxaana khal khal xoogan ay ku abuureen shacabka magaalada.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in labo ka mid ah madaafiicdan oo hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen xaafada Raaderka ee degmada Dayniile, halka mid kalena la sheegayo inuu ku habsaday xaafado ka tirsan degmada H/wadaag, warar kale ayaa sheegaya in qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ay iyana ku dhaceen madaafiic kale.

Sidoo kale, isla caawa ayaa Qarax Xoogan iyo Madaafiic Xoogan laga Maqlayaaa Degmooyin Hodan gaar  ahaan KM-4.

Cawaale Cali Cismaan oo ka mid ah dadka ku dhaqan Caasimadda, ayaa madaafiicdan ku tilmaamay kuwo lagu qalqal-gelinayo xasiloonida Magaalada.

Waa madaafiicdii ugu horeysay oo lagu weeraro Madaxtooyada, tan iyo markii la guda galay bishan barakaysan ee Ramadan, oo caawa 10 jirsatay.

Xaalada Muqdisho ayaa caawa cabsi badan laga dareemayaa, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdan iyo halka laga soo riday intaba balse wixii warar ah ee ku saoo kordha kala soco boggan, INSHA ALLAH.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: