Xildhibaan Jeesoow: “Sharci maahan xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Buulo-burte”.

WAAJIDPRESS – 14 JUN 2016:

Guddoomiye ku xigeenka Gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Daahir Amiin Jeesoow (OO KA soo jeeda beesha GAALJECEL -Hawiye) ayaa sheegay in uusan waxba kala socon xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte C/caciis Duuroow uu ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ku tilmaamay xil ka qaadista Guddoomiye Duuroow mid aan sharci aheyn waxuuna intaasi ku daray in xil ka xayuubinta awoodeeda ay leedahay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xildhibaan Jeesoow oo soo hadal qaaday arrimaha ku aadan Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe ayaa waxuu beeniyay fashil la sheegay in uu ku yimid Shirka ka socda Magaalada Jowhar.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheeneyso in Bisha barakeysan ee Ramadaan kadib ay la dar dargeliso Shirka Magaalada Jowhar kaasi oo Maamul mideysan loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: