War hadda soo dhacay: Masuul ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo goor dhow Muqdisho lagu dilay

WAAJIDPRESS – 15 JUN 2016:
Kooxo hubeysan ayaa goor dhow ku dilay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho agaasimaha kormeerka degmooyinka maamulka gobolka Banaadir.

C/llaahi Ibraahim (Isbiimo) oo ah masuulka la toogtay ayaa waxaa lala dilay nin ay saaxiibo ahaayeen oo la socday xilli ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah degmada Dharkeynley.

Warka ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana daqiiqado ka dib halkaas gaaray ciidamada amaanka dowlada oo wada baaritaano.

Marxuum C/llaahi Ibraahim (Isbiimo) ayaa mar soo noqday gudoomiye ku-xigeenka degmada Dharkeynley, waxaana dhowaan loo magacaabay xilka agaasimaha kormeerka degmooyinka maamulka gobolka Banaadir.

Dilalka lagu hayo askarta iyo xubnaha la shaqeeya dowlada Somalia ayaa kordhay tan tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana inta badan dilalka noocan ah sheegta iney ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: