Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Uhuru Kenyatta oo wada qorshe ay ku doonayaan in AMISOM loo badelo ciidamo ka socda UN-ka

WAAJIDPRESS -16 JUN 2016:

Hailemariam-Desalegn-Uhuru-Kenyatta-2

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa wada qorshe ay ugu heshiiyeen arrimaha Soomaaliya oo ku saabsan mustaqbalka ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM), kuwaas ay ku doonayaan in Ciidamada AMISOM loo badelo kuwa hoos yimaada UNITED NATION.

Kenya ayaa dhowaan soo jeedisay in ciidamada AMISOM loo bedelo ciidamo ka socda Q/Midoobay, waxaana qorshahan oo uu wato madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu hadda ku guuleystay inuu ka iibiyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ay kulan ku yeesheen magaalada Brussels iyadoo ka wada qeyb galaya shirka horumarka Yurub.

Labada hogaamiye ayaa isla gartay inay u ololeeyaan in ciidamada AMISOM ay noqdaan u xuub siibtaan ciidamo ka socda UN-ka, arrintaas oo dhaqaale badan ay ku heli doonaan ciidamadooda, isla markaana looga bixi doono mushaar la’aanta heysa ciidamada AMISOM.

Itoobiya iyo Kenya ayaa hore uga caga jiiday inay ka mid nqodaan ciidamada AMISOM, waxaana muddo 10 sanadood ah oo AMISOM ka howl galeysay Soomaaliya, waxayna hadda doonayaan inay sharciyad kale ku helaan joogitaanka milaterigooda ee gudaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: