Xog Culus: Qarammada Midoobay oo sheegtay in Al Shabaab ay askareeyeen Kumanaan Caruur ah ama Thousand kids

WAAJIDPRESS – 17 JUN 2016:

New York – Hay’adda Qarammada Midoobay ee Qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa shaaca ka qaaday in ay sii kordheysa Caruurta ay askareynayaan Xarakada Al Shabaab.

Madaxa Isku xerka Hay’adda Qarammada Midoobay ee Qaabilsan Carruurta (UNICEF) Susannah Price ayaa sheegtay in Askareynta Caruurta ay sii kordheysa, iyadoona intsi ku dartay in tirada haatan la diiwaan geliyay ay kabdan tahay kuwii hore .

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa Susannah Price waxey xustay in Xarakada Al Shabaab oo Dagaal xoogan kula jirta Dowladda Soomaaliya ay askareeyeen ku dhawaad 5,000 oo Caruur ah.

“Sanadihii u dambeeyay waxaa diiwaan gashnaa 2,000 ilaa iyo 3,000 Caruur ah kuwaasi oo la askareeyay balse xaqiiqdii haatan Caruurta la askareeyay ayaa tiro ahaan gaaraya ila iyo 5,000 kuwaasi oo da’aadoodu lagu qiyaaso 9 Sano” sidaasi ayey tiri Susannah Price.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sanadii 2015-ka waxuu saxiixay Heshiiska ilaalinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed, iyadoo Soomaaliya Heeshiiskii uga mid noqotay Dalkii 195-aad oo saxiixa Heshiiskaasi.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxa Isku xerka Hay’adda Qarammada Midoobay ee Qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa ku soo aadaya xili Shalay loo dabaal dagayay Maalinta Caruurta Afrika.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: