Daawo Sawiro then Akhriso: Wasaaradaha Waxbarashadda Koonfur Galbeed iyo Puntland Oo Garowe Heshiis Ku Kala Saxiiday Ku Saabsan in la mataaneeyo Jaamacada Southwestern EE BAYDHABA iyo Mida Bariga Africa EE KU taala GAROOWE

WAAJIDPRESS – 18 JUN 2016:

image image image image

image image

Wafdi Balaaran ee uu hogaaminayey Wasiirka wasarada waxbarashada iyo barbaarinta Dowlada Koonfur Galbeed Dr. Saadaad Maxamed Nuur Caliyow iyo ku xigeenkiisa wasaradaasi oo maalmihii u danbeeyay Garowe ku sugnaa, socdaalkooda KU saabsanaa in ay Heshiis la sixiixdaan Wasaarada Waxbarashada PUNTLAND oo ah sidii loo MATAANEYN LAHAA Jaamacada Southwestern  ee KU Taala BAYDHABA iyo Jaamacadaha GTEC iyo Bariga Africa oo ku yaala MAGAALADA GAROOWE.

Wasiirka Wasaarada Maamulka KOONFUR GALBEED Dr. Saadaad Maxamed Nuur Caliyow iyo Wafdigiisa Ayaa booqdey  goobaha waxbarasho ee ku yaala Puntland waxaana socdaalka wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ku weheliyay wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Bashiir Aw-Yuusuf Ciise  iyo xiriiriyaha waxbarashad wasaarada waxbarashada Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada ka jira gudaha dalka.

Wafdiga ka socday Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Jaamacadaha KU yaala GAROOWE oo ay booqdeen waxa ay madaxdooda ka wareysteen qaabka ay u shaqeeyaan waxayna wasiirada waxbarashada koonfur galbeed ka codsadeen madaxada jaamacadaha ay booqdeen inay xiriir la sameeyaan jaamacada Southwestern  ku taala Koonfur galbeed Soomaaliya.

Marka uu soo dhamaaday kormeerka ay ku tageen jaamacadaha wafdiga ka socday puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay ku soo noqdeen xafiiska wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland waxayna xarunta Wasaarada ku kala saxiixdeen heshiis ku aadan siday u wada shaqeyn lahaayeen wasarada waxbarashada puntland iyo wasarada waxbarashada koonfur galbeed iyo sidii loo MATAANEYN lahaa Jaamacada Southwestern ee ku taala BAYDHABA iyo Jaamacadaha GTEC IYO Bariga Africa EE ku yaala GAROOWE Puntland.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo barbaarintakoonfur galbeed soomaliya Saadaad Maxamed Nuur Caliyoow ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in heshiis waxbarasho ay la galaan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland waxana uu intaasi ku daray in wasaarada uu madaxda ka yahay u istaagi doonto sida uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaasi.

Wasiirka wasarada waxbarashad iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland Abshir Aw-yuusuf ciise Waxa uu madaxada wasaarada waxbarashad koonfur galbeed uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen puntland waxna uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inay heshiis ku aadan sidii la iskaga kaashan lahaa hormarinta waxabarashada Puntland iyo Koonfur Galbeed la galaan madax ka socotay wasaarada waxbarashada koonfur galbeed waxaan auu wasiirku intaasi ku daray inay diyaar u yihiin inay heshiis waxbarasho lagaaraan dhamaan maaamul gobaleedyada ka jira somaliya.

Wafdigaan ka socda wasarada waxbarashad iyo barbaarinta koonfur galbeed ayaa magaalada garowe ee caasumada dowlada puntland ku sugan sadexdii maalmood ee la soo dhaafay iyagoona inta ay garowe ku suganyihiin kulamo la qaadan doonay ganacsatada ku sugan magaalada garowe ee ka soojeeda gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: