WAAJIDPRESS – 18 JUN 2016:
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi aad u Balaaran OO isugu jiro Madax Soomaali iyo Ajinabi oo watey 3 diyaaradood ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna May, Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Bay, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Amaanka MagaaladaBaydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana jidadka taagnaa Ciidamo aad u badan OO isugu jirey kuwa Komandosta iyo Boliska MAAMULKA KOONFUR GALBEED oo bilihii ugu dambeeyey tababaro u soo dhamaadey, waxaana wafdiga loo galbiyay guryaha Martida loogu Talo galey iyo Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mudane Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu magaalada Baydhab kula kulmi doona Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Gollaha odoyaasha dhaqanka, iyadoona soomaaliya la faliyo inay doorasho ka dhacdo Augest 2016.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan oo maanta tagay Baydhabo waxaa uu isla maanta kaga dhawaaqey BAYDHABA in Shirka Madasha qaran uu dib u dhacay islamarkaana uu furmayo 25-ka Bisha June .
Guddoomiye Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa Baydhabo ka sheegay in ujeedka uu halkaa u tagay ay tahay sidii uu u soo qeymeyn lahaa Xarumaha lagu qabanayo Shirka islamarkaana uu kulamo la qaadan doono Madaxda Koofur Galbeed Soomaaliya.
Wafdiyada Mas’uuliyiinta Maamul goboleedyada iyo Madaxa dowlada Dhexe, IGAD, EU iyo beesha Caalamka ayaa maanta bilaabey tegitaanka BAYDHABA waxa ayna isugu uruuri doonaan BAYDHABA Maanta illaa Isniinta.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar caafimaad ugu maqan dalka Jarmalka ayaa isna lagu wadaa inuu maanta dalka dib ugu soo laabto, isla markaana Maalinta Axada Gaaro Baydhaba.
Qaban qaabo xoogan oo ku aadan shirka Madasha wada-tashiga qaran ayaa ka socda magaalada Baydhabo – DAAWO:
U dhaaf Halcelis