War deg deg ah: Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Garissa

WAAJIDPRESS – 21 JUN 2016:

Hal ruux ayaa la soo wariyay inuu ku geeriyooday Qarax ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Huluuqo iyo Sangailu oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaraxaan ayaa wuxuu qabsaday gaari nooca gurmadka deg deg ah ee Ambulance-ka ah, waxaana halkaasi ku dhintay ninkii waday gaariga Ambalaaska.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo labo ka mid ah yihiin Shaqaalaha Isbitaalka Huluuqa, halka ruuxa kalena uu ahaa Arday.

Miinada xilliga ay la qarxeysay ayaa waxaa saarnaa Afartaasi qof, balse waxaa goobta ku geeriyooday Darawalkii waday gaariga oo lagu magacaabi jiray Cabey Dhuubow.

Saraakiisha Isbitaalka ayaa ku wargeliyay ciidamada Booliska Qaraxan, balse Booliska oo xilli dambe gaaray goobta ay wax ka dhaceen, ayaa sheegay falkaan inay ka dambeeyeen Ururka Al Shabaab.

Shabaab ayaa shalay dilay Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya, kadib markii Qoriga Baasuukaha loo yaqaan ay ku dhufteen gaarigii ay la socdeen Askartaasi.

Kenya oo xirtay xuduuda ay la wadaagto Somaliya ayaa waxaa dalkeeda ku sii kordhaayo weerarada Shabaabka ay ka geysanayaan oo ay la beegsanayaan ciidamada iyo Shaqaalaha Samafalka ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: