War hadda soo dhacay: Ciidamo uu wato C/samad Galan oo la wareegay Deegaano katirsan Gobolka Bari iyo Xiisad dagaal oo jirta

WAAJIDPRESS – 21 JUN 2016:

image

 

      untitled

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta deegaano katirsan Gobolka Bari ay la wareegeen ciidamo aad u hubeesan uu wato Gudoomiyihii hore ee gobolkaasi C/samad Maxamed Gallan.

Ciidamada uu watao C/samad Galan oo gaaraya boqolaal ,ayaa u badan kuwa kasoo jeeda beeshiisa, waxaana ciidamadan ay mucaarad ku yihiin maamulka Puntland uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Gaas, waxaana fashilmay wadahadalo arintan lagu doonayay in xal looga gaaro.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada uu wato Gudoomiyihii hore CabdiSamad Galan ayaa  maanta la wareegey Deegano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Bari oo ay ka mid yihiin deegaanada Belidhidin iyo Kalabeyr iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Bari.

Deegaanka Kalabayr oo 60 km u jirta Magaalada ganancsiga Puntland ee Boosaaso ayaa abaare 12-kii duhurnimo ee maanta waxaa si nabdoon kula wareegay ciidamo uu hogaaminayo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Xiriir kala duwan oo ay WAAJIDPRESS la samaysay dadka deegaanka ayay noo xaqiijiyeen inaysan ilaa hadda garanayn u jeedka ciidaanka. Dadka ayaa sheegay inay kaliya arkeen ciidamadaan oo dhufaysyo ka samaysanayaa qaybo ka mid ah magaalada. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayaa dagaal ka dhex qarxa ciidamadaan Hubaysan iyo dowladda Puntland.

Deegaanka Kalabayr ayaa lafdhabar u ah isku socodka Deegaanada Puntland ee wadada dheer ee Laamiga iyadoo sidoo kale ay ka leexato wadada Halbowlaha u ah Gobolka Bari ilaa xeebaha Bariga Fog.

Waxaa socday maalmihii lasoo dhaafay waan-waan lagu xalinayo khilaafka uu la gadoodey Cabdisamad Gallan, taas oo ay wadeen odoy dhaqameedyo iyo siyaasiyiin, waxaana wararku sheegayaan in odoyaasha dhaqanka iyo Puntland ay ku heshiyeen in Cabdisamad Bosaso dib ugu so noqdo isaga oo wata ilaaladiisa keliya.

C/samad Galan , ayaa sheegay in uu wato ciidamada dhabta ah ee Puntiland, waxa uuna xusay in ay joogaan deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Boosaaso iyo Garawe, Galan ayaa ku hanjabay in uu xilka ka tuurayo Madaxweynaha Puntland.

Magaalooyinka Boosaaso iyo gobolka Bari ayaa waxaa laga dareemayaa xiisad dagaal ,waxaana shirar gaar ah leh saraakiisha hogaamineysa ciidamada kala duwan ee Puntland kuwaa oo ka arinsanaya sida ay ka yeelayaan duulaanka ciidanka uu Wato Gudoomiihii hore ee gobolka Bari.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari ayaa ka tagay magaalada Boosaaso kadib markii ciidamo katirsan Puntland ay weerar ku qaadeen gurigiisa, waxaana xiligaa lagu eedeeyay in uu abaabulay banaan baxyo rabshado watay oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: