DAAWO Sawiro then Video Sidii loo soo dhaweeyey Madaxda then Akhriso: SHIRKII OO SI RASMI AH BAYDHABA UGA FURMEY

WAAJIDPRESS – 22 JUN 2016:

image

image

74

image image

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa islma maanta Baydhabo kula kulmay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, waxgaradka deegaankaasi iyo mas’uuliyiin kale, wuxuuna madaxweynuhu ku ammaanay maamulkaasi sida wanaagsan ee uu ugu diyaargaroobay martigelinta shirka madasha wadatashiga qaran.

Shirka madasha wadatashiga qaran ee maanta ka furmay Baydhabo ayaa hakaasi ka socon doona Shan labo maalmood ah, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobbo muhiim ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan.

Madaxweynaha Soomaalia ayaa shirka si rasmi ah u furey Maanta, waxa uuna sheegey Madaxweynaha in Beri la isugu soo laaban doono shirka si loo guda galo Agendaha, maadaama maanta ay aheyd soo dhaweyn ay fidisey BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE AMA MAAMULKA KOONFUR GALBEED; ayuu yiri.

Madaxda wadatashiga qaran ee magaalada Baydhabo ayaa Hada furmay waxaana horyaala in go’aano laga gaaro qodobo dhowr ah oo loo dhigay in lagu go’aamiyo shirka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ujeeddada iyo xikmadda ka dambeysa dhismaha Madasha Hoggaamiyeyaasha qaranka ay tahay in la helo nidaam la isla wada oggol yahay, iyadoo laga duulayo mabda’a ah in lagu dhaqaaqo wixii maanta la qaban karo, isla markaana aan gadaal looga laaban hawlaha dib u dhiska siyaasadda Soomaaliya.

“Danta caamka marka la hormariyo ayaa tan gaarka ah la gaari karaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan Soomaaliya horay u dhaqaajino, waddada horumarkana aan u horseedno. Maanta waxaan halkan ku soo gaarney inagoo wadajirna oo aan khilaaf iyo isqabqabsi jirin. Waxaa naga go’an inaanu dalku marnaba gelin marnaansho siyaasadeed, oo aan diyaarino nidaam awoodda dalka la isugu wareejiyo nidaam dimoqraadi ah oo nabadeed’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Qodobada sida weyn looga dhowr sugayo in go’aan looga gaaro ayaa waxaa kamid ah ku dhawaaqida xiliga la qabanayo doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya oo horey loo sheegay in marnaba waqti dheeri ah aan lagu darsan doonin bisha Agoosto.

Waxaa muhiim ah in la shaaciyo xiliga ay dhaceyso doorashada afhayeenka baarlamaanka Prof. Jawaari iyo labadiisa ku xigeen, iyo in sidoo kale lagu dhawaaqo xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya – DAAWO, Shirka iyo shirarka kharsoon live kala soco halkani:

image image image image image image

Filo Video

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: