Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay, xilli maanta uu ka furmaayo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

WAAJIDPRESS- 22 JUN 2016:

image image

 

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo, xilli maanta lagu wado in uu ka furmo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo ay ku leeyihiin Madaxda Somalida.

Shirkan, ayaa waxaa uu qayb ka yahay shirar kala duwan oo Madaxda Dowladda Somaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada, ay ku yeesheen Magaalooyinka Kismaayo, Muqdisho iyo Garoowe, si ay mowqif mideysan uga qaataan doorashooyinka sanadkan ka qabsoomaya dalka.

Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo CIIDAMADA Daraawiishta EE Dowlad Goboleedka KOONFUR GALBEED oo wata baaburta Dagaalka iyo Hub tiro badan oo cusub , ayaa waxaa saakay lagu arkayaa wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala Bartamaha Magaalada Baydhabo.

Magaalada laguma arko maanta ciidankii AMISOM, balse WAXAA la go’aamiyey in ay ku ekaadaan xerada miliraiga. Ciidamada KOONFUR GALBEED oo keliya ayaa ilaa hadda lagu arkayaa MAGAALADA BAYDHABA.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in hakad la geliyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka, inkastoo dadka loo ogol yahay in ay adeegsadaan meelaha ka baxsan halka uu shirku ka qabsoomayo.

Madaxda Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada, ayaa saacadaha soo socda la fillaya in ay gaaraan Baydhabo – heesaha loogu talo galey iyo fanaaniinta DAAWO:

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: