Daawo: Sida quruxda badan ee Madaxweynaha Somalia loogu soo dhoweeyey Baydhabo

WAAJIDPRESS – 22 JUN 2016:

image

image

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi aad u balaaran EE uu hogaaminayey, oo wata 4 diyaaradood oo ah inta badan Wasiirada Dowlada iyo 184 Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka, ayaa hadda gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya, halkaa oo uu si rasmi ah uga furi doono shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Arbaca ah magaalada Baydhabo si rasmi ah saacada markii ay aheyd 3:09pm u furay shirka madasha hogaanka qaranka, kaddib markii isaga iyo madax kale oo ay KA mid yihiin Madaxwynaha PUNTLAND CABDIWELLI, Madaxweynaha  GALMUDUG CABDIKARIIN Guuleed, JUBALAND Mr. Axmed Madoobe iyo kuwa kale OO badan ay gaareen magaalada Maanta duhurkii.

Agendiyaasha ugu waaweyn ee la filayo in looga doodo shirkan ayaa waxaa ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan, saadka iyo amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda, sameynta guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, arrimaha dib u eegista dastuurka, iyo hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.
Waxaa shirkan ka qeybgalaya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, madaxda dowlad goboleedyada iyo xubno kale – DAAWO sawiro hoos:

image image image image image

image

Filo Video

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: