Daawo Sawiro then Akhriso then VIDEO: Gudiga Doorashada oo wax LAGA bedeley iyo Danjire Michael Keating iyo Wefdi Uu Hogaaminaayo Oo Soo Gaarey Magaalada Baydhabo

WAAJIDPRESS – 23 JUN 2016:

image   Madasha-10  Madasha-5

image image

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta gobolka Bay soo gaaray wafdi ballaaran oo uu horkacaayo Amb. Michael Keating, Wakiilka Qaramada Midoobe ee u qaabilsan arrimaha Somaliya iyo sagaal (9) Safiiro oo KA mid ah Talyaaniga, Imaaraadka iyo kuwa kale.

Wakiilka iyo wafdigiisa oo barqanimadii maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Dr. Shaati Gaduud Ee Magaalada Baydhabo, iyadoona daqiiqado ka dib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada, Halkaasoo uu ka soconaya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in wax walba ay si habsami ah u socdaan, isla markaana ay madaxda si adag uga hadlayaan wax kasta oo fududeyn kara doorashadan taariikhiga ah ee dalka ka dhacaysa bisha August.

Ajanayaasha shirka ayaa maanta si rasmi ah loo guda geli doona, iyadoo laga doodi doono hirgelinta doorashooyinka, amniga iyo saadka doorashada, saamiga haweenka ee golayaasha dowladda, sameynta Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, dib u eegista dastuurka iyo hanaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta Booliska.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu lafaguray fududeynta maalgelinta iyo saadka doorashada iyo diyaarinta qorshe hufan oo dhinaca amniga ah.

Danjire Michael Keating, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, oo ku hadlayey magaca wakiilada beesha caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda, isagoo ku dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada shacabka Soomaaliyeed ee ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan.
Waxaa uu Mr Keating intaa ku daray in beesha caalamka ay si buuxda u taakuleyn doonto hawlaha doorashada, ayna diyaar u yihiin inay Soomaalida arrimahaas kala shaqeeyaan.

Kulankaasi kadib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxda madasha iyo wakiillada beesha caalamka waxay kulan la yeesheen guddiga u qaabilsan qoondada haweenka ee matalaadda goleyaasha qaranka oo ay iska soo qaadeen xaqiijinta kuraasta ay haweenka helayaan doorashada dhaceysa sannadkan 2016-ka.

Madaxda kulamadan ka qeybgashey ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, madaxda dowlad goboleedyada, halka dhanka wakiilada beesha caalamka ay ka joogeen wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto, wakiillada Midowga Afrika, Talyaaniga, Sweden, Kenya, Ethiopia, Uganda, Britain iyo kuwo kale; Dhamaan madaxdani ayaa caawa iyo Habeen dambe ku hooyanaya BAYDHABA.

Madasha ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah isugu raacdo waqtiga rasmiga ah ee doorashada dhici doonto, sida doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha.

Dhinaca kale, Gudigii doorashada ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowaan magacaabey ay madaxda maamul goboleedyada qaar ka biyo diideen iyagoo sheegay in uu hareer marsan yahay sharciga caalaminga, isla markaasna lagu kalsoonaan karin guddi doorasho oo xilal xildhibaano raba in ay ka mid noqdaan guddiga doorashooyika qaran ee dalka.

“Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah. Sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, hawlahaasina loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida shacabka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan  ayaa ugu dambeyntii ogolaadey, waxaana dhamaan laga saarey wasiiradii dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyadoo la sheegaayo in la daayey 13 xubnood halka 9 xubnood laga saarey.

Ugu dambeyntii, 22 xubnood ayaa la isla gartey in laga saaro oo badidooda ah wasiirado, halka 13 xubnooda aysan wax saameyn ah aysan ku yeelan isbedelkaas – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: