DEG DEG:Madaxweynaha Galmudug Oo Ka Duuley Magaalada Baydhabo + Warmurtiyeedka Oo La Filaayo Goordhow

WAAJIDPRESS – 26 JUN 2016:

Sabtida maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo Arbacadii si rasmi ah uga furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa Saaka ka duuley magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, isagoona ka mid ahaa Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ee ka qiib galey Shirka Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka sagootey Garoonka Dr. Shaati Gaduud Ee Magaalada Baydhabo.

Shirka Mashada Ayaa goordhow la filaya in warmutiyeed laga soo saaro isla markaana dib u dhaca ku yimid waqtigii loo muddeeyay in shirka lagu soo gaba gabeeyo ayaa lagu macneeyay shaqada oo badatay oo awgeed.

waxaa meesha laga saaray inaanu jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ee ku shirsan Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntii, Bisha August, ayaa waxaa lagu wadaa in la soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoona ay soo dooran doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa, halka bisha Septemberna ay soo dooranayan Madaxweynaha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: