War culus: Akhriso then DAAWO: CULIMADA Soomaaliya oo si kulul uga SOO horjeestey Sharciga Jinsiga oo ay Wasaarada Haweenka SOO saartey isla markaana Xukuumada iyo BAARLAMAANKA Ansixiyey

WAAJIDPRESS – 28 JUN 2016:

CULIMADA Soomaaliya oo maanta SHIR JARAA’ID KU qabtey Magaalada Muqdisho waxaa ay si kulul uga SOO horjeesteen Sharciyada Jinsiga oo ay Wasaarada Haweenka u gudbisey GOLAHA Wasiirada isla markaana la ansixiyey, sharicigaasoo ah :

1 – In DADKA isku Jinsiga ay is-guursan karaan – sida Haweenka is-guursan karaan ,  Ragana is guursan karaan.

2 – In Iskuulada lagu baro arimaha GALMADA la xiriira iyo isticmaalka (Protection) – Daawooyin iyo Kondomka iyo waxyaabaha la xiriira.

3 – In ay Dumarka iska furi Karto Ninkeeda.

4 – In Dumarka ay Xor tahay Markii la furo isla markaana aysan laheyn wax “CIDDO” ah.

5 – In Dumarka aan la Gudi Karin

iyo Qoondada Haweenka ee Siyaasadda Soomaaliya ee kuraasta loo qoondeeyey.

Sharcigani Jinsiyada ah Ayaa Xukuumada Cumar CABDIRASHIID ansixisey bishii MAY 2016.

Culimada ayaa duray Hay’adaha gadaal ka riixaya in Haweenka Soomaaliyeed ay Maamulka Siyaasadeed ee Dalka ay ku yeesheen Jagooyinka Sar sare, Waxaana ay si gaar ah Qaramada Midoobey iyo AMISOM ugu dhaliileen in ay Haweenka Fasahaadinayaan iyaga oo Kulamo lagu dhiirro gelinayo Zinada,Gudniinka lamamnuucay oo aan la kala soocin iyo Isu tagga Dadka isku jinsiga ah ku siinaya Siminnaaradda,waxaana ay ku dareen in ay dhiirro geliyaan in Casharro la xiriira Galmada lagu barto Dugsiyada Waxbarashada, arimahani oo markii dambe Wasaarada Haweenka ay ka dhigtey sharci.

Qodobada kale ee ay Culimada dhaleeceeyeen waxaa ka mid ah in Sharciyada Wasaaradda Haweenka gudbisay ee ay meel mariyeen Golaha Wasiirada ay wax u dhimayaan Diinta Islaamka,waxaana qodobadaas ka mid ah in Dumarku ay Xor yihiin marka laga dhinto,taa soo macnaheedu tahay in aysan lahayn Ciddo,in Gabadha isguurin karto,waxna furi karto.

Culimada waxaa ay baaq u direen Dowladda Soomaaliya,waxaana ay talo ku soo jeediyeen in arrimaha Haweenka ee Siyaasadda lagala tashto Culimada Soomaaliyeed,Odayaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanka – DAAWO:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: