War deg deg ah: AKHRISO then DAAWO LABO VIDEO: AKHRISO SHARCIGII AY WASAARADA HAWEENKA GUDBISEY IYO CULIMADA IYO ODAYAASHA DHAQANKA OO KA SOO HORJEESTEY SHARCIGA JINSIGA OO AH IN RAGGA ISGUURSAN KARAAN AMA DUMARKA ISGUURSAN KARAAN OO AY DOWLADA ANSIXISEY

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2016:

 

CULIMADA IYO ODAYAASHA DHAQANKA OO KA SOO HORJEESTEY SHARCIGA JINSIGA OO AY XUKUUMADA ANSIXISEY, SHARCIGAASOO AH IN RAGGA IS GUURSAN KARAAN, DUMARKA ISGUURSAN KARAAN, GALMADA LAGU BARO ISKUULADA – AKHRISO COPY  NUQULKA SHARCIGA JINSIYADA AY WASAARADA HAWEENKA U GUDBISEY XUKUUMADA , ISLA BISHII MAY 2016 AY ANSIXISEY XUKUUMADA then – DAAWO LABO VIDEO:

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor timid Xeerka Jinsiga ee ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Soomaaliya,kaas oo ay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ku tilmaantay mid Diinta ka hor imanaya.

Agaasimaha Waaxda Diinta Sheekh Cali Maxamuud Cali Dheere ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta,waxaa uu ku sheegay in Bayaanka ay soo saareen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ee ku saabsanaa Xeerka ay Wasaaradda Haweenka u gudbisay Golaha Wasiirrada ee Khilaafsan Diinta ay Wasaaradda la qabto Culimada Bayaan kooda.

Sheekh Cali Dheere ayaa yiri “Wasiirradda Xeerka meel mariyay,kuwa gudbiyay iyo Baarlamaankaba ay Diinta ku dhasheen iyadana ka weyn tahay oo ay Sharciga hortagi doonaan haddii ay meelkaga dhacaan”.

qodobadda-faxshigga

AKHRISO HADDII AAD KO AKHRINTIISA KUGU ADKAATEY KA DIB DAAWO LABA VIDEO:

Maasuuliyada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha 

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya waa mashiinka qaranka ee kor u qaadista sinaanta Genderka iyo awoodsiinta Haweenka Soomaaliyeed, sameynta, horumarinta iyo dhaqangalinta siyaasadaha iyo shuruucda lagu dhowrayo xuquuqda Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed, waxaana markii ugu horeysey la aasaasay sanadkii 2002 xiligaasoo dalka uu yeeshay dowlad ku meel gaar ah.

Howlaha Balaaran ee Wasaarada waxaa ka mid ah:

  1. Kor u qaadista iyo taabagalinta sinaanta Ragga iyo Dumarka
  2. Awoodsiinta Haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda dalka ,guurka iyo furiinka.
  3. Daryeelka iyo hirgalinta barnaamijyada lagu taageerayo agoonta iyo carruurta nugul.
  4. Horumarinta Haweenka ganacsatada ah iyadoo loo marayo u abuurida haweenka ganacsiyo yar yar.
  5. Horumarinta, iyo hirgalinta Siyaasadaha iyo Shuruucda lagu dhowrayo xuquuqda Haweenka iyo Caruurta.
  6. U qareemida ansixinta Axdiyada caalamiga ah ee mamnuucaya xadgudubyada haweeenka loo geysto.
  7. Horumarinta Barnaamijyada wacyigalinta ah ee looga hortagayo tacadiyada dumarka iyo carruurta loogeysto Qoysaska saboolka ah.
  8. U ololeynta iyo horumarinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  9. Xoriyad siinta guurka Jinsiyadda Rag iyo dumar sida isguursiga laba isku jinsiya.
  10. Xoriyad siinta bulshadda iyo in laga fogaado xukunadda Diiniga sida in qof dhagax lagu dilo marka uu la galmoodo qof uusan shareecadda Islaamka ku qabin.
  11. Xoriyad siin haweeneeyda laga dhinto ama la furo iney guursan karto ninka iyadoo la gelin curaar waqti [cudo]
  12. In Xarumaha Waxbarashadda lagu soo siyaadiyo maadooyin la xiriira wacyigelinta galmadda.
  13. In goobaha bulshadda sida Hoteladda loo ogolaado Cinjirka galmadda si looga hortago cuduradda halista ah ee Galmadda laga qaado sida HIV Aids.

 

  • In Masuuliyadda Caruurta lagala wareegi karo Aabaha gaar ahaan tan gabdhaha si ay uga badbaadaan gudniinka fircooniga iyo nin qasab loogu daro:

Hadabba, sameynta siyaasada Genderka ee heer qaran waxay ku soo aadey xili ay Soomaaliya ka soo baxdey in ka badan labaatan sano oo dagaalo sokeeye la soo maray kuwaasoo bur-buriyey qaab dhismeedkii bulshada haddey noqon laheyd mid dhaqan, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Dhaddiga iyo laboodka colaadu waxay u saameysey siyaabo kala duwan,inkastoo ay labaduba waayeen daryeelkii qaranka kaasoo horseedey burburka naf iyo maal farbadan. Waxaa muhiim ah in la tilmaamo colaadu in ay meesha ka saartey qiimihiii ay lahaayeen Ragga Soomaaliyeed, hase yeeshee, taasi kama saamaxeeyso in ay dayacaan doorkii ay ku laahaayeen bulshada.

Inkastoo dumarka Soomaaliyeed ay colaadu si daran u saameysey ragga laftiisu kama nabad gelin lakiin dumarka waxaa u dheeraa in ay la kulmeen dhibaatooyin dhinaca xuquuqul aadanaha ah sidda xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

inkastoo ay colaaduhu si ba’an u saameeyeen dumarka hadana haweenka Soomaliyeed waxa ay muujiyeen karti iyo adkeysi badan.Tussaale ahaan waxay noqdeen kuwa masaruufa qoysaskooda taasoo ah mas’uuliyad dheeraad ah oo dumarka soo food saartey si ay u badbaadiyaan jiilka soo koraya. Siddaas oo ay tahay waa la cadaadiyaa dumarka qeybna kuma lahan go’aamada lagama marmaanka ah ee looga arinsado arimaha dalka iyo dadka.

Colaadu waxay kaloo meesha ka saartey horumarkii laga sameeyey dhinacyada waxbarashada,caafimaadka, cadaaladda iyo shaqaaleynta, dagaalka sokeeye ka hor waxeyna sababtey isku dheeli tir la’aan xuquuqdii Allah siiyey labka iyo dheddiga. In laga hadlo isu dheelitir la’aanta xuquuqda labka iyo dheddigu waxa ay muhiim u tahay soo kabashada iyo horumarka nabad waarta.

Xiliyadii dhawaa waxa ay Soomaaliya ku talaabsatey horumar la taaban karo marka laga eego dhanka amaanka, waxbarashada, siyaasada cusub ee furfuran iyo kaalmooyin laga helay beesha caalamka kuwaas oo horseedey fursado siyaasadeed iyo kuwa dhaqan dhaqaaleba – DAAWO LABA VIDEO OO KU SAABSAN CULIMADA SOOMAALIYA OO KU DHAWAAQEY IN ARIMAHANI AY KA SOO HORJEEDO DIINTA SHARAFTA LEH EE  ISLAAMKA:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: