Dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2016:

Ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Ethiopia iyo Xarakad Al Shabaab Xalay ku dhexmaray Duleedka Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Degamadaasi.
Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo gaaray dhinacyadii halkaasi ku Dagaalamay.
Xaalada goobihii lagu Dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in Saaka ay degan tahay inkastoo laga cabsi qabo in Al Shabaab ay markale weerar soo qaadaan.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab oo ku aadan Dagaalkii ka dhacay Duleedka Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: