Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Degaan u dhaxeeya Gobolada Sh.Hoose iyo Sh.Dhexe

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2016:

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarado Dagaal oo Duqeymo xoogan ka fuliyay soohdinta kala qeybisa Gobolada Sh.Hoose iyo Sh.Dhexe, iyadoona aan la ogeyn halka laga leeyahay Diyaaradahaasi weerarka geystay.

Weerarkan Duqeynta ahaa ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Maseerey oo gacanta ay ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Duqeyntan ayaa sida la sheegayo waxaa ku dhintay Xoolo badan iyo sidoo kale Dad xoolo dhaqato ahaa oo ku sugnaa Degaanka Maseerey.

Ujeedka Weerarkaasi ayaa lagu micneeyay in uu ahaa Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan Degaanka Maseerey.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi laga fuliyay soohdinta kala qeybisa Gobolada Sh.Hoose iyo Sh.Dhexe.

Shalay ayee aheyd markii Diyaarado Dagaal  ay Duqeymo xoogan ka fuliyeen Degaano ka tirsan Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: