Archive for Luulyo, 2016

Degmada Yaaqshiid oo Caawa Kooxo Hubeysan ay Dil ka geysteen

Luulyo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 JUL 2016:

Caawa ayaa Koox hubeysan ay ku dileen degmada Yaaqshiid mid ka mid ah Gudoomiyeyaasha waaxyaha degmadaasi.
Gudoomiyaha waaxeedka ayaa la sheegay in ay dileen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa ay ku dileen degmada Yaaqshiid, kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen.
Ciidanka dowladda iyo maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilka.
Dilka Gudoomiye waaxeedkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal mudooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho loogu geysanayay qaar ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.

Advertisements

War deg deg ah: Qarax kale oo hadda Muqdisho ka dhacay

Luulyo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 JUL 2016:

Qarax xoogan ayaa waxaa goordhow ka dhacay Isgoyska debka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo xiray gaari uu la socday mas’uul ka tirsanaa dowlada kaasi oo Qaraxa uu kasoo gaaray dhaawac culus.
Gaariga oo lagu soo xiray miino ayaa waxaa ku dhaawacmay wadihii waday iyo sidoo kale dad goobta ka agdhawaa sida ay kusoo waramayaan goobjoogayaal.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in shaqsigii watay gaariga uu soo gaaray dhaawac culus islamarkaana loo qaaday goobaha caafimaadka.
Goobta Qaraxa ayaa waxaa iminka buux dhaafiyay ciidamada amaanka waxaana sidoo kale xiran Isgooyska debka oo ah halka uu gaariga ku qarxay.

Akhriso then DAAWO video: War deg deg ah OO hadda SOO dhacay : Weerar Ismiidaamin oo lagu qaaday Xarunta CID-da ee Muqdisho iyo rasaas xoogan oo dhaceysa

Luulyo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 JUL 2016:

image

image image image

image

image

Waxaa daqiiqado yar kahoe Weerar Ismiidaamin iyo mid loo maleenayo in uu toos yahay lagu qaaday xarunta Dambi baarista booliiska ee CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana xaruntaasi hada laga maqlayaa rasaas xoogan .
Labo qarax oo wax ka yar daqiiqad u dhaxeesay ayaa lagu weeraray xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyada kadib bilowday rasaas xoogan oo qaarkood ay ka dahceyso gudaha xaruntasai.

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa waxay goor dhow weerar Isqarxin leh la beegsadeen Xarunta Dhexe ee Dembi-baarista Boliska (CID) oo ku taalla agagaarka Isgoyska KM4 iyo Zoope ee magaalladdan Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Alshabaab adeegsadeen Qaraxyo, ka hor intaysan gudaha CID-da gelin, ka dibna u suura gashey in ay gudaha galaan.

5 qof ayaa la xaqiijiyey in qaraxyadan ku dhinteen 12 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo khasaaraha uu intaan ka badan karo.

Dad shacab ah oo gaadiid saarnaa, qaarkoodna mooto Bajaaj la socday ayaa ku dhintay qaraxyada, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay.

Xarunta la weeraray ee CID-da waxaa ku xiran maxaabiis dambiyo kala duwan loo heesto, waxaa sidoo kale xaruntaasi ay tahay mid mashquul badan, waxa ayna xaruntan kutaala kasoo horjeedka Hotelka Saxafi ee kuyaala agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Talefishinka Al-Jazeera qeybta ingiriiska ayaa baahisay Al-Shabaab inay ka dambeeyeen Weerarkaasi Islamarkaana ay Saraakiil katirsan ay Xaqiijiyeen Shaabaab inay Werarkaas qaadeen – DAAWO:

 

Sarkaal caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo raggii dilay oo baxsaday

Luulyo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 JUL 2016:

Sarkaal Booliska Somaliya ka tirsanaa, ayaa waxaa fiidnimadii caawa lagu dilay Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii ay toogasho ku dileen niman bistoolado ku hubeysnaa.

Raggaan, ayaa waxay Cali Caddow Maxamuud oo ka tirsanaa Hogaanka Gaadiidka Booliska ay ku dhex toogteen xaafadda Jamhuuriya, xilli uu dhex socday.

Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen Sarkaalkaasi in laga toogtay qaybaha sare ee jirkiisa, isla-markaana ay baxsadeen raggii dilay.

Ciidan uu horkacaayo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Kaaraan oo gaaray goobtii lagu dilay Sarkaalkan, ayaa waxay ka qaadeen meydkiisii, iyagoona geeyay Saldhiga Degmadaasi.

Akhriso then DAAWO: Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf “Mooshin sharci ah ayaan ka gudbinay Guddoomiyaha Baarlamaanka”

Luulyo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 JULY 2016:

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa mooshin waxa ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekuna Maya.

Kadib kulan ay Magaalada Baydhabo ku yeesheen xubnaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ee mooshinkaan diyaariyay ayaa waxa ay sheegeen in qodobo Dastuuri ah ay u cuskadeen Mooshinkooda.

Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf oo u hadlay Xildhibaanada kulanka isugu yimid ayaa sidan sheegay.

“Waxaa kulan isugu yimid Xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed xubno ka mid ah, islamarkaana ajendahooda yahay inay ka wada hadlaan waxa ka dhacaya baarlamaanka Koonfur Galbeed taas oo sababtay in xubno ka mid ah xildhibaannada ay soo gudbiyaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed taas oo ay xildhibaannadan u cuskadeen markii uu jabiyey qodob Dastuuri ah, kaasi oo ah qodobka 41-aad islamarkaana sheegayey in baarlamaanka sanadkii uu yeelanayo 2 fadhi oo midkii uu soconayo muddo Afar bil ah sida aan la wada soconno baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa uu dhisnaa 8 bil, mana jirto wax kalfadhi ah oo uu yeeshay.” Ayuu yiri Xildhibaanka

Xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale mooshinka u cuskaday shaqo gudasho la’aan ay ku eedeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

“Sidoo kale aan la sameyn guddi hoosaadyadii Baarlamaanka, markii aan aragnay in shaqadii loo idmaday Guddoomiyaha, sidaa darteed waxaan go’aansannay inaan keenno mooshinkaan oo ay nala ogaadaan shacabka ku nool deegaankan Koonfur Galbeed.” sidaasi waxaa saxaafadda u sheegay Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, weli kama uusan hadlin Mooshinkaan laga gudbiyay – DAAWO:

 

Madasha Wadatashiga Qaran oo bilowga Bisha soo socota Muqdisho ku shiraya

Luulyo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 30 JUL 2016:

Shir kale ayeey isugu imaan doonaan Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, shirkaasi oo looga hadli doono arimaha ku aadan Doorashooyinka la filaayo inay dalka ka dhacaan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Wakaalada Wararka SONNA u sheegay in shirkaan uu dhici doono 2-da ilaa 4-ta Bisha August ee fooda inaga soo haysa.

Waxa uu sheegay Shirkaasi inay ka qaybgeli doonaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo keeni doona qorshaha ugu dambeeya ee doorashooyinka.
“Shirkaan wuxuu dhacayaa 2-da ilaa 4-ta bisha August, waana shir muhiim ah, waxaa warbixin looga dhagaysan doonaa guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo sheegaya qorshaha ugu dambeeya ee Doorashooyinka.” Ayuu ku yiri Wasiirka Warfaafinta Wareysiga uu siiyay SONNA.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale sheegay madaxda Dowladda inay ku adkeysanayaan in Doorashada ay dhaceyso Waqtigeeda, islamarkaana uusan wal wal badan ka taagneyn arimahaasi.

Dowladda Somaliya ayaa sheegaysa in Doorashada waqtigeeda ay ku dhici doonto, inkastoo aysan muuqan Diyaargarow badan oo loogu jiro Doorashada.

Xisbiyada Siyaasada dalka ayaa qaba walaac ku aadan in Dowladda ay sameyso muddo kororsi talada dalka ku aadan.

War deg deg ah: Maamulka Somaliand oo Xukun Xabsi Ah ku riday Sheekh Caan Ka ah Deegaanada Maamulkaasi

Luulyo 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 JUL 2016:
Maxkamada Hargeysa ayaa xabsi gaadhaya hal sano iyo lix bilood ku riday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne).

Sheekh Aadan-Sunne oo muddo saddex bilood ah ku jiray xabsi ku yaala Magaaladda Hargeysa, waxaana xukun ku riday maxakamada Gobolka Maroodi-jeex ay ku Magaaceeb maamulka Somaliand.

Sida lagu warramayana waxaa sheekha lagu soo eedeeyay laba qodob oo kala ahaa; in uu wax ka sheegay albaab ku yaalla xarunta ciidamada Badda ee Magaaladda Hargeysa iyo waliba sameecado laga jar-jaray magaalada.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo beeniyay inay aqoonsadeen Baasaboorka Somaliland

Luulyo 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 JUL 2016:

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar ayaa goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Safaaradda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, isagoo kaga hadlay qaababkii dowladda Turkiga uga fal celisay isku daygii afgambiga ee fashilmay.

Amb. Olgan Bekar ayaa ugu horeyn ka warbixiyay isku daygii afgambi ee ka dhacay Turkiga 15-kii bishan iyo qaababkii uu u abaabulnaa, isagoo tilmaamay inay ka dambeysay isku daygaas Koox argagixiso ah oo uu magaceeda ku sheegay FETO.

Safiirka Turkiga ayaa uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya tallaabada ay qaaday ee ay ku cambaareysay isku daygaas afgambi, sidoo kale waxaa uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed sidii ay garab istaaga ugu muujiyeen, ugana muragoodeen wixii dhacay 15-kii July.

“Waxaan dowladda Soomaaliya uga mahad celinayaa tallaabadii ay ku cambaareysay isku daygii afgambiga ee ay maleegayeen koox argagixiso oo lagu magacaabo FETO, isku daygaas wuxuu u abaabulnaa qaabab kala duwan”ayuu yiri Amb. Olgan Bekar.

Mar Safiirka wax laga weydiiyay sida laga yeelayo howlihii ay dalka ka heysay Hey’adda Nile Organization ee dalka laga ceyriyay waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ka wada shaqeynayaan sidii howlahii ay heysay loo sii wadi lahaa.

“Anaga iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka wada shaqeyneyna sidii howlaha u sii socon lahaayeen, gaar ahaan Isbitaaladii iyo Iskuuladii ay gacanta ku heysayna anaga la wareegi doono, waxaa u sheegayaa Ardaydii dhiganeysay Iskuulada in waxbarashadooda inay dib u bilaaban doonto, bisha soo socota ee Agosto dib loo furi doono”ayuu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay maalmaha soo socda ay soo saari doonaan xilliga dib loo furi doono Iskuuladii ay gacanta ku heysay Hey’adda Nile ee dalka laga ceyriyay, waxaana uu u cadeeyay ardaydii dhiganeysay in waxbarashadooda ay sidooda u wadan doonaan.

Amb. Olgan Bekar ayaa sheegay in Isbitaalka Deva dib loo furi doono 2-da bisha Agosto, isagoo intaa ku daray in howlihii uu hayay Isbitaalka uu halkiisa ka sii socon doono.

Waxaa uu sheegay in Bukaanadii horay ugu jiray Isbitaalka Deva ay ku wareejiyeen Isbitaalka Recep Tayyib Erdogan (Ex Digfeer).

Safiirka ayaa mar wax laga weydiiyay arrinta Somaliland ee ku aadan inay aqoonsadeen Baasaboorkooda, maadaama ay wada hadalo u socdaan oo ku saabsan inay deegaanadooda ka ceyriyaan Hey’adda Nile ayuu sheegay in arrintaas aanay waxba ka jirin.

“Ma aqbalin Baasaboorkooda, mana aqoonsan wax xiriir ah lama lahan arrintaas, sida la socotaan waxaa wadnaa Heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland, anaga Soomaaliya hal waji ayaa ku fiirinaa, waxaa ka shaqeyneynaa Soomaaliya inay wanaagsanaato oo ay mid ahaato, Somaliland dadka ku nool iyo Soomaaliya dadka ku nool waxay noola mid yihiin hal, waxaa rabnaa inay noqdaan hal dal oo xooggan”ayuu yiri Danjire Olgan Bekar.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Baasaboorka Somaliland ay u aqoonsan yihiin sida kaararka aqoonsiga oo kale ee ID CARD, isagoo xusay in qunsuliyadooda Hargeysa ay ku bixiso Viisaha Warqad sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay dhibaatada Ardayda Soomaaliyeed ku heysato dalka Turkiga, markii uu afgambiga dhacay, gaar ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee dhiganeysay Jaamacadaha ay maamulayeen Hey’addaha taageera Fethullah Gulen ayuu kaga jawaabay in ardaydaas aysan wax dhib ah arki doonin, isla markaana loo gudbinayo jaamacado kale oo dowladda hoos-taga.

“Jaamacadaha Gullen waa xirnay, dowladda ayaa go’aan ka gaartay, ardaydaas waa la wareejinayaa jaamacado kale ayaa loo wareejinaya wax dhib ah ma arkin doonaan, waxaa arintan si dhow ugala shaqeyneynaa Safaaradda Soomaaliya ee Ankara”ayuu yiri Amb. Olgan Bekar.

Xog: -Ciidamada Somaliland Oo Ku Wajahan Xiingalool iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo

Luulyo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 JUL 2016:

Wararkii ugu dambeeyey ee aan kahelayno degmada Xiin-galool ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saraakiil ka goostay Puntland oo deegaanka kasoo jeeda iyo gudi kasocda doorashooyinka maamulkaasi ay kusoo wajahan yihiin magaalada.

Weriye kusugan goobta ayaa waxa uu sheegay sababta ugu weyn ee Soomaaliland mar kale ugusoo laabanayo deegaanka inay tahay, iyadoo ku guul daraysatay inay deegaankaas ka hesho dadkii looga baahnaa diiwaan gelinta.

Suxufigaan ayaa waxa uu sheegay meeshii looga baahnaa kun qof in laga diiwaan geliyo Xingalool, in ilaa hadda kaliya 150 ruux la diiwaangeliyey ayna doonayaan inay arrinkaasi ka dhabeeyaan.

R/Wasaaraha oo sheegay in Prof. Jawaari kala hadlayo ansixinta Sharciga doorashooyinka

Luulyo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 28 JUL 2016:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu kala hadlayo sidii Baarlamaanka uu u meel marin lahaa hindise sharciyeedka doorashada dalka OO ay dowlada weli u SOO gudbinin Baarlamaanka Soomaaliya.
Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay munaasabad lagu maamuusayay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay markii la sameeyay Guddiga doorashooyinka oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay dooneyso in la meel mariyo Hindise sharciyeedka doorashooyinka, , si doorasho xalaal ah dalka uga dhacdo.

“Sharciga doorashooyinka waxaa ku dadaalaynaa in laga gaarsiiyo ka hor inta Baarlamaanka xirmin, walow habka baarlamanaka wax u gudbiyo ay tahay akhrinta 1aad, 2aad iyo 3aad, Guddoomiyaha marka uu yimaado waa ka wada fariisaneyna bal sidii arrintan loo meel marin lahaa, maadaama waqtiga yar yahay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga sii shaqeeyo qorshaha dalka lagu gaarsiinayo doorashada 2020 ee ah hal qof iyo hal cod, isagoo xusay in Guddiga doorashada ee ay madaxda u tahay Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) ay ku casuumi doonaan kulanka soo socota ee Madaxda Madasha Wada-tashiga ay yeelan doonaan.

Fadhiyadii Baarlamaanka ayaa gaabis ku yimid, tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh bishii May ee sanakdna uu soo saaray xeer uu ku meel mariyay go’aan ka gaarida doorashooyinka sanadkan ee ay isla gaareen Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran, taasoo keentay in xubnaha Baarlamaanka ku tilmaameen in awoodihii sharciga ahaa ee Baarlamaanka uu la wareego Madaxweynaha.