War deg deg ah: Shabaab oo weerar ku qaaday Basas kusii jeeday Mandheera

WAAJIDPRESS – 1 JUL 2016:

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaadey Labo Bas oo marayay deegaan ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in rasaas ay ku hubiyeen labada Bas halkaasi marayay iyadoo uu weerarkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Weerarka ay Basaska ku qaaden maleeshiyaadkaasi ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 6 ruux, 4 kalena uu dhaawac kasoo gaaray weerarka.

Fredrick Shisia oo ah Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Mandheera, ayaa xaqiijiyay in Weerarkaasi lagu qaaday Gaadiid ku soo wajahnaa Magaalada Mandheera.

Fredrick Shisia ayaa sheegay in Weerarkaasi uu gaadmo ahaa, isagoona qeexay in ay socdaan baaritaano ku aadan soo qabashada Kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

Weerarka ay maleeshiyada Al-shabaab geysteen ayaa imaanaya maalin un kadib markii Mareykanka uu qeyb ka mid ah Kenya ka soo saaray digniin ka dhan ah socdaalkiisa.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya ayaa horey waxa ay kaga digtay suurtagalnimada weeraro kaga yimaada argagixisada Somalia oo ka dhaca dalkaasi xili ay gabagabo mareyso bisha barakeysan ee ramadaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: