War deg deg ah: Wadaadkii Daruusta Diiniga ah ka bixin jirey SNTV oo hadda Muqdisho lagu diley

WAAJIDPRESS – 1 JUL 2016:

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku dishay wadaad caan ka ahaa Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.
Maleeshiyada ayaa wadaadkaani dishay xili uu kasoo baxay Salaadii Cishaha, waxa uuna dilkiisa ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab.

Marxuumka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Shiikh Cumar Xasan Xuseen waxaana la sheegay in laga wada garanaayay Degmada Xamar-jajab.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu daruus diini ah ka bixin jiray Tv-ga dowlada ee SNTV waana sababta ay maleeshiyada u beegsadeen.

Shiikh Cumar Xuseen Xasan ayaa ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Dowlada Soomaaliya.

Dilka wadaadkaani ayaa waxaa fuliyay laba ruux oo ku hubeysnaa Bastoolado kuwaasi oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: