War deg deg ah: Diyaaradaha Kenya oo duqeeyay qeybo ka mid ah GOBOLKA GEDO

WAAJIDPRESS – 2 JUL 2016:

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa duqeymo xoogan ka sameeyay qaybo ka mid gobalka Gedo gaar ahaan deegaano ka tirsan degmada Beled- Xaawo ee gobalkaasi.

Duqeymahaasi oo Khasaare gaystay ayaanan la ogeyn tirada rasmiga ee dadka ku geeriyooday,balse saraakiil ka tirsan dowlada Kenya ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen deegaano ay Al Shabaab ku dhuumaaleysanayeen oo ku yaala degmada B/xaawo uu ka dhaw xadka Kenya iyo Somalia.

Malateriga Kenya ayaa sheegay in duqeymahaasi ay qasaare xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanayey deegaano ku yaala xadka labada dal.

Afhayeenka ciidamada milateriga ee dalka Kenya Colonel David Obonyo ayaa xusay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa dhawaan weeraro Khasaare gaystay ka fuliyey gudaha Kenya iyadoo shalay gaari bas ku weeraray deegaanka tirsan degmada Mandera ee gobalka Waqooyi Bari ee Kenya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: