Ciidamada KOONFUR GALBEED iyo Ciidmada Itoobiya Oo Dib ULa Wareegey Degmada Rabdhuure Ee Gobolka Bakool

WAAJIDPRESS – 3 JUL 2016:

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ee Ethoipia  ayaa lagu soo waramayaa inay dib ula wareegeen saaka subax degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool halkaasi oo shalay ay faarujiyeen.

Wararka aynu helayno waxay sheegayaan in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ee ETHOIPIA ay dib u degeen fariisinkii ay ku lahaayeen degmadaasi, waxaana sidoo kale ay wadaan howlgallo ulajeedkooda illaa hadda aan la shaacin.

Gudoomiyaha degmada Rabdhuure Maxamed Kheyr Salaad ayaa sababta ay markii hore uga baxeen Degmadiisa ku sheegay, is bedel lagu samaynaayay Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Shabaabkii qabsadayna aanay markii horeba ka fogayn Rabdhuure.

“Waxaan uga baxnay waa xeelad ciidan. Ciidamada Amisom ee nala joogga ayaa is bedel lagu samaynaayay, nimankaana way soo galeen iyagoo aan badnayn, oo markii horeba ku sugnaa meel aan ka fogayn Degmada.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: