War hadda SOO DHACAY: MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO GO’DOON KU AH GALKACAYO IYO CIIDAMO GADOODSAN OO HADDA LA WAREEGEY DHAMAAN WAQOOYIGA GALKACAYO OO MAAMULKA PUNTLAND KA TALIN JIREY

WAAJIDPRESS – 3 JUL 2016:

image

 

Galkacayo – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qeybo kamid ah Waqooyiga Magaaladaasi ay maanta XOOG ula wareegen ciidamo ka tirsan maamulka PUNTLAND  kuwaasi oo la sheegay in gadoodsanaayen.
Goobaha ay Ciidamada gadoodsan la wareegay ayaa waxaa kamid ah Kontorolka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo goobo kale oo uu maamulka ka arrimiyo.
Ciidamadaani oo aad u badnaa ayaa ka gadoodsanaa Mushaar la’aan kasoo foodsaartay maamulka Puntland kuwaasi oo gabi ahaan so faarujiyay dhufeysyadii ay ku sugnaayen.
Ciidamadaani oo watay gaadiid dagaal ayaan mushaar la siin ku dhawaad Shan bil, waxa ayna xireen dhamaan wadooyinka iyo deegaano farabadan oo ku yaalla Waqooyiga Magaaladaasi.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku sugan OO go’doon ku ah Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, waxa uuna gadoodkooda kusoo beegmayaa xili madaxweynaha uu halkaasi u joogo howlo la xiriira amniga.
Ciidamadaani ayaa ku goodiyay inay ku kici doonaan falal ka daran gadoodkooda waa haddii aan la siin xuquuqdii ay ku shaqeynayeen.
Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka maamulka iyo Saraakiisha Amniga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: