Daawo Sawiro then Akhriso: Madaxweyanaha KGS Oo Dalka Sacuudi Carabiya Kula Kulmey Ganacsato U Dhashey Dalkaas

WAAJIDPRESS – 4 JUL 2016:

image image image

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden oo ku sugan Dalka Boqotooyada Sacuudi Carabiya isla markaana Safarkiisa Waxa ku Wahelinaya Wasiiro ka tirsan Dowlad goboleedka KOONFUR GALBEED iyo Agaasimaha Madaxtooyada Cali Shaamey ayaa Maanta la kulmey Ganacsto U dhashey Dalkaas kuwaasoo doonaya inay maalgashiyo ay ku sameeyaan Xoolaha Nool ee Degaanada Dowlada KGS.

Labada dhinac ayaa waxay isla garteen Qobobadii ay ka wada hadleen isla markaana Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ku booriyey Ganacsatadda dalka Sacuudi carabiya inay Maalgashiyo ay ku sameeyaaan Xoolaha Nool ee Koonfur galbeed Soomaalia, isla markana Madaxweynaha waxa uu sidoo kale xusey in Dadka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yihiin Xoolo dhaqato beeraley oo u baahan maalgashiyo.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa doonaysa inay dhameystirto dhismaha iyo hirgelinta  dekad Magaaada BARAAWE si loogu dhoofiyo Xoolaha Nool isla markaana la geyn doono wadamada Khaliijka Carabta sidoo Kale lagana soo dajin karo dhamaan Agabyada ay u baahan yihiin Shacabka KGS isla markaana ay adeegsan doonaan Ganacsatada KGS.

Si Kastaba aha haatee, Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa sanad Weliba Soomaaliya waxay ka qaadataan tiro badan oo Xoolo ah kuwaasoo isugu jira Geel, ari iyo Lo’da intuba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: