Ra’iisal Wasaaraha Israel oo gaaray Wadanka Uganda (Daawo Sawirada)

WAAJIDPRESS – 4 JUL 2016:

image image image

Benjamin Netanyahu, Ra’iisal Wasaaraha Israel, ayaa wuxuu Isniintii booqasho taariikhi ah uu ku tagey Magaalada Kampala ee Caasimadda Wadanka Uganda.

Ra’iisal Wasaaraha oo socdaalkan ay ku wehlineysay xaaskiisa, ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Wuxuu booqday Garoonka Entebbe oo afduub loogu haystay dad Israeli ahaa, ka dib markii hawada laga qafaalay diyaaraddii ay la socdeen oo ka duushay Israel.

Ugu yaraan toddobo nin oo u kala dhashay Falastiin iyo Jarmalka oo soo afduubay rakaabkii diyaaradda Air France, ayaa waxay muddo toddobaad ihi ay dadkaasi ku hayeen Garoonka Entebbe, inkastoo Israel ay soo furatay inta badan dadkeeda.

Hawlgalkan waxaa uu horkacaayay nin la dhashay Ra’iisal Wasaaraha Israel oo ku dhintay hawlgalka, waxaana lagu magacaabi jiray Jonathan Netanyahu.

Hawlgalkan, ayaa waxaa ku dhintay raggii afduubka gaystay, afar ka mid ah rakaabkii diyaaradda iyo 20 ka mid ah Ciidamada Uganda, oo ilaalo ka haayay Terminalkii hore ee Garoonka Entebbe, laguna haayay rakaabkii iyo diyaaradaba. Ka hor inta aanu bilaaban hawlgalkan waxaa la xaqiijiyay afduubayaasha in ay kala saareen rakaabkii, isla-markaana ay sii daayeen dadkii aan Yahuudda ahayn.

Isagoo ka hadlaayay xaflad ka dhacday Garoonka, ayuu Ra’iisal Wasaarha Israel sheegay in afduubkan uu saamayn wayn ku yeeshay dalkiisa oo idil, isagoo intaa ku daray in uu markasta xusuusan yahay Entebbe, sida uu yiri.

Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa socdaalka uu ku marayo Qaaradda Afrika ku sheegay mid Israel ay ku dooneyso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato Afrika, iyadoo uu Uganda uga sii gudbi doono Kenya, Itoobiya iyo Rwanda.

Benjamin Netanyahu, ayaa waxaa uu noqonayaa Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyay oo Israeli ah, oo booqasho ku tagga Qaaradda Afrika, muddo 30 sano ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: