Deg Deg:- Qarax ka dhacay Suuqa-weyn ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 5 JUL 2016:

Qarax Bam ayaa lagu tuuray Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo marayay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Gaariga ay la socdeen Ciidamada Dowladda ee Bam Gacmeedka lagu tuuray ayaa ka badbaaday Bamka lagu Weeraray waxaana ku dhaawacmay Dad rayid ah.

Goobjooge suuqa ku sugnaa ayaa noo sheegay in Bamka uu haleelay Dad Rayid ah oo joogay Suuqa,iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 16 Ruux oo shacab ah.

Dableyda weerarkaan geysatay ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, inkstooo kooxdu aysan weli ka hadlin qaraxan inay ka tahay mas’uul iyo in kale. laakiinse Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa u sheegay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua in lagu daba-jiro kooxihii weerarkaas geystay.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Degmada Wadajir, Abuukar Sh. Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan ayna baadi-goob ku hayaan kooxihii ka dambeeyay.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay falal ammaan-darro ay ka dhacaan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo weerarkan uu imaanaya iyadoo diyaar-garow loogu jiro maalinta ciiddul-fidri oo ku began berri oo Arbaco ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: