Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Ceelbiyood ku yaal Gobolka Gedo

WAAJIDPRESS – 5 JUL 2016:

Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa Qaraxyo ka dhacay Ceelbiyood ku yaalo Deegaanka Dhabaa oo ku yaala Gobolka Gedo, una dhaxeeya Degmooyinka Ceelwaaq iyo Deegaanka Dhamase, Deegaankaan wuxuu 30-KM u jiraa Degmada Ceelwaaq.

Labo qarax ayaa la sheegay inuu ka dhacay ceelbiyood dadka deegaanka iyo ciidamada Amisom ay biyaha ka cabi jireen, iyadoo la soo sheegayo Khasaare dhimasho iyo dhaawac inuu ka dhashay.

Hal ruux ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxyadaasi, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo dadka deegaanka ah, kadib markii qaraxa uu qabsaday halkaasi.

Wararka waxa ay sheegayaan sababta ka dambeysa in la qarxiyo Ceelbiyoodka inay tahay Ciidamada Kenya oo biyaha inta badan ka dhaansada.

Xoogaga Shabaab ayaa loo maleynayaa inay ka dambeeyaan Qaraxyadan, maadaama ay isku dayaan Shabaabka dhinac kasta oo ciidamada Kenya ay ka cunaqabateyn karaan inay sameeyaan.

Dadka deegaanka waxa ay sheegayaan inaysan haysan ceel kale oo biyo ay ka dhaansadaan ama ay ka cabaan, maadaama halkii Ceelbiyood ee deegaanka Dhabaa ku yaalay la qarxiyay.

Shabaabka ayaa horay u qarxiyay Ceelbiyoodyo ku yaalo Gobolada dalka, iyagoo ujeedka uu yahay in ciidamada Amisom aysan biyo ka dhaansan, balse ma eegaan Shabaabka Bulshada anfacaada ku qaba Ceelbiyoodyadaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: