Waxgaradka Beesha Silcis oo ka cabanaya in Oday dhaqameedkoodii la bedelay


WAAJIDPRESS – 5 JUL 2016:

Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacaddaha Shabelle iyo WAAJIDPRESS ee Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in Beeshooda Silcis Gargaarte duubkii u soo xuli lahaa Xildhibaanada dowladda soo socda laga fara maroojiyay.

Wuxuu tilmaamay Nabadoonku in wax laga bedelay Liiskii Odayaasha soo xuli lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka islamarkaana laga bedelay Odaygii Booskaas ugu qornaa in uu u soo Magacaabo Xildhibaanada Beeshooda.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa ku eedeeyay in Oday dhaqameed aan matalin si xoog ah loogu daray liiska odayaasha taasina ay tahay Cadaalad darro.
Waxaan heynaa Cadeymo buuxa oo muujinaya in Nabadoonkeenna la bedelay oo mid kale oo Maqaar saar ah la geystay booskiisa” sidaaas waxaa yiri Nabadoon Maxamed Yuusuf.

Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa indhawaanahaan waxa ay ka cabanayeen wax ka bedel lagu sameeyay duubabkii rasmiga ahaa.
Sababaha xuquuqdooda loo duudsiinayo dhaqanka Sooomaaliyeed xuquuqdodoa ayaa la sheegaa in ay ugu wacantahay si loogu shubto codadka Xildhibaanada ay soo xulaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: