Deg Deg: Shabaab oo Xaradheere ku toogey Labo nin

WAAJIDPRESS – 7 JUL 2016:

Wararka ka imaanaya magaalada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ururka Al-shabaab ay goor dhow meel fagaaro ah ku toogteen magaaladaasi.

Labo oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dadka deegaanka ayaa Al-shabaab waxa ay galabta ku toogteen meel fagaaro, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay basaasiin u yihiin maamulka Galmudug.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan Labada nin ee la toogtey in horey magaalada Xaradheere ay ugu dileen dad shacab ah, sidaasina galabta dilka loogu fuliyay.

Al-shabaab iyo Odayaasha deegaanka ayaa la sheegay in ay ku heshiiyeen cidii qof shacab ah dil ugeysata in la toogan doono.

Odayaasha deegaanka ayaanan wali ka hadlin dilka maanta lagu fuliyay Labo nin oo la sheegay in ay basaasiin u ahaayeen maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: