War deg deg ah: Ethiopia, Kenya iyo Uganda oo laga codsaday inay Ciiddamo iyo Diyaarado ku soo biiriyaan AMISOM

WAAJIDPRESS – 8 JUL 2016:

Shirkii 608-aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa mar looga codsaday Dowladaha Ethiopia, Uganda iyo Kenya inay Ciiddamo dheeraad iyo Diyaarado Dagaal ku xoojiyaan Hawlgalka AMISOM.

Qoraaal ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (The PSCU ) ayaa looga codsaday in Wada-xaajoodka u socday QM iyo AUda la soo dhamaystiro, si Tas-hiilaad loogu helo sidii Diyaarado Dagaal loogu daad-gureyn lahaa Hawlgalka AMISOM.

Bishii February ee sannadkan, Dowladaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia waxay ku dhawaaqeen inay Helicoptero ku soo biirin doonaan Hawlgalka AMISOM, si ay ula dagaalamaan Alshabaab.

Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday Dowladdaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia in ay ka dhabeeyaan balan qaadkoodii ku aadanaa in Diyaarado Dagaal ay ku soo biiriyaan howlgalka AMISOM ee ka socda Dalka Soomaaliya.

Ururkan ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladahaasi ka dhabeynta in Ciidamo dheeraad ah ay keenaan ama ku soo daraan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Warar horey u soo baxay ayaa lagu xusay inay 9 Helikoptar keeni doonaan Dowladaha Kenya iyo Ethiopia, iyadoo ay sii dheer tahay 3 Diyaaradaha Helikopterka ee wax duqeeya.

Diyaaradahaasi waxay noqon doonaan Yaboohii ugu horreeyey ee lagu taageero Hawlgalka AMISOM, tan iyo markii ay 4 Helikoptar oo ay Uganda ku yaboohday sannadkii 2012-kii ay 3 ka mid ah ku burbureen Buuraha Mount Kenya.

Sidoo kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (The PSCU ) waxay walaac xooggan ka muujiyeen go’aankii Dowladaha ku jira Ururka Midowga Europe (EU) dhawaan ku gaaareen inaay jarayaan Kharajkii laa siin jirey Ciiddanka ka socda dalka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Goluhu waxa uu xusay in loo baahan yahay inay EUda dib u eegaan go’aankaasi oo ku soo beegmay xilli ay AMISOM u diyaar garoobayaan Hawlgalka lagu sugayo ammaanka Doorashadda Somalia ka dhici doonta dabayaaqadda sannadkan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: