War deg deg ah: Maanta ayaa Qaramada Midoobey oo ciidamada AMISOM u kordhiyey Wakhtigooda isla markaasna maanta codsadey in la kordhiyo Ciidamada AMISOM ee soomaaliya ka howlgala

WAAJIDPRESS – 8 JUL 2016:

Jumciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa mar kale kordhisay mudada howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM, waxayna ay sheegeen in ciidamada ay wakhtigooda loo kordhiyey  illaa 31-ka May 2017-ka.

Qaraar uu golaha ammaanka meel-armaiyay ayaa Sidoo kale lagu sheegay in la kordhiyo tirada Amisom lana gaarsiiyo ilaa 22,126-askari, taasoo ay ku sheegeen mid lagu dar-dar-geliyo hawl-galka iyo geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.

Golaha ammaanka qaraarkan uu diyaariyay ayaa waxa kaloo lagu sheegay in Amisom laga doonayo inay Ciidamada Soomaaliya ku wareejiyaan qaybo ka mid ah hawlaha ay hayaan si ay Ciidamada Soomaaliya awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadyadooda ku aaddan sugidda nabad gelyada.

Taliska Amisom, ayaa laga codsaday inuu u dhabbo-galo heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka u dhexeeya shacabka ku nool goobaha Al-shabaab laga saaray iyo Ciidamada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka xubnaha ka ah ayaa ugu dambayntii Taliska Amisom waxay ka dalbadeen in baaritaanno lagu sameeyo eedeymaha ciidanka loo soo jeediyo, isla markaana la dhawro xeerarka iyo shuruucda ciidamada iyo kan caalamiga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: